Ciidamadii Itoobiyaanka ugu badan oo hal meel lagu qaarajiyey caawa ka dhacday magaalada Baydhaba
Baydhaba
Sida aan ku heleyno wararka ka imanaayo magaalada Baydhaba ayaa sheegay in ka badan 56 ka tirsan ciidanka Itoobiya in ay ku dhinteen qarax xoogan oo ka dhacay caawa xaruntooda ku taalo irada laga soo galo magaalada Baydhaba
Dhimashadaan oo timid shaqsi naftii huraa Soomaali ah uu fuliyey qaraxaan kaasoo la beegsaday xerada iyadoona uu gabaadna kasii dhigtay gaari ay ka buuxeen ciidamo Itoobiyaan ah, sidoo kale waxaa jira dhawaayo aad u tirabadan oo hadda lagu gurayo goobaha caafimaadka iyadoona caawa magaalada Baydhaba laga dhigay Bandoow waxaana magaalada buux dhaafiyey oo gaaf wareegayo ciidamo badan oo isigu jira Itoobiyaan iyo Soomaali
Arinta caawa ka dhacday Xurunta ugu weyn ee Ciidamada Itoobiya ayaa noqoneysa jabkii uguweynaa ee soo gaaro tan iyo intii ay xooga ku soo galeen Soomaaliya ,hadii loo fiiriyana waa bishiii ugu tirada Badneyd ay dhimasho tirabdan loo geysta ciidamada Itoobiyaanka ah
Sidoo kale waxaa caawa sigtay oo wax sidaa ah aysan soo gaari Wasiirka koowaad iyo xildhibaano tira badan oo hawiya ahaa oo kulan kula lahaa Hoteelkaasi uu daganaa Cali maxamed Geedi
Xafiiska Wararka Ee Qaahira Masar
cairodayniilecom@hotmail.com



