Postby DawladSade » Sun Oct 14, 2007 1:07 pm
Advo I really don't think Somaiweyn meant bad. Lately he has been posting news from Shabelle and this IS news.
Buundada si deg deg ah baa loo dhisayaa. Sade know how to raise money, our war machine knows that and now the money will be directed towards development.
UJEEDO: Gurmad Burburka BUUNDADA Magaalada Baardheere
Oct 14,2007
by Norway-GEDO-NN
KU:Jaaliyada Dibadda Ee Beesha SADE
KU:Ganacsatada beesha SADE meelkasta oo ay joogaan
KU:waxgaradka Iyo Ururada bulshada ee b/SADE
UJEEDO: Gurmad Burburka BUUNDADA Magaalada Baardheere
walaalayaal waad arkaysaan wax yaalaha naxdinta iyo argagaxa leh ee laga soo sheegayo buundada b/dheere taas oo halbowle muhiim ah u ahayd nolasha iyo isku socodka gobalka GEDO iyo dhamaan ganacsiga galo wadamada deriska ah. waxaad ogaydeen gobalkaan in uu horay ula ildarnaa dhibaatooyin ay kamid ahaayeen WAXBARASHO LA,AAN, CAAFIMAAD DARRO, BIYO LA,AAN IYO AMNIXUMO,DHAMMAAN WAX YAALAHAS OO AY KEENEEN MAAMULXUMO.
walaalayaal hadii la dhoho halaga sheekeeyo dhibaatada ka jirto gabalkaan lama soo koobi karo, ee hadaan hada u noqdo dhibaatada ka taagan khatarta hadda soo foodsaartay dadkeenii iyo dalkeenii waxaay ilatahay in sidaan wax looga qabto:
1.In jaaliyada dibadda si deg deg ah shir iskugu imaado maalinta sabtida soo socoto bishuna tahay 20,10,20007.
2.In laga wada hadlo meelna la isla saaro qaabkii wax looga qaban lahaa burburka laga soo sheegayo buundadaas.
3.In ay iyaguna shiraan ganacsatada gobalka u dhashay, iyaguna guddi dhaqaale aruurina iska qabtaan.
4.In ay iyaguna shir dag dag ah iskugu yimaadaan odayaasha iyo maamulada ka jiro gudaha isla markaasna iska qabtaan guddi dhaqaale aruurin, iyagoo degmooyinka gobalka dhamaantood u kala dirayo gudigaas si ay ilaha dhaqaalaha soo galo degmooyinkaas u xirtaan.
walaalayaal gebogebada hadalkayga waxaa weeyo, cidina uma maqna ceelna uma qodna dad, aan dowlad lahayn, maamulna aan lahayn dhibaatadaana ku dhacday, cid kaloo ay gurmad ka sugayaana aysan jirin Alle ma ogiye, kawarama runtii waa arin tiiraayo iyo murugo leh ee walaalayaal aan arinkaas sida ugu dhaqsaha badan aan wax uga qabanno.
Baaqaas iyo talo soo jeedintaas waxaa iska leh walaalihiin joogo Norway oo kala ah:
1.Xuseen Maxamed Cabdille (Bikolo)
2.c/qaadir maxamuud faarax (CALAWAASH)
3.Mahad khaliif
4.Abdulaahi sh mahamuud sh
5.Faysal bilaawe
6.Ahmed maxamed urur
7.Yuusuf saciid diiriye
8.Xasan maxamed abdille
9.Faarax xaashi (faarax dheere )
10.Badal ahmed warsame
Xuseen Maxamed Cabdille (Bikolo)
Norway