WARARKII UGU DAMBEEYAY EE DALKA.
Mujaahidiinta wax iskacaabinta oo diyaariyay istaraatiijiyad lagu khaarijinayo Meles Sanaawi hadii dalka Soomaaliya yimaado.
Baydhabo,14,October-07 (Qaadisiya.com) Mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa diyaar garow ugu jira sidii weeraro lagu hoobto ugu qaadi lahaayeen baraha cadawga Tikreega iyo dabadhilifyadiisa kadegan yihiin guud ahaan dalka Soomaaliya si mira dhal looga dhigo jihaadka sii xoogeysanaya ee kahana qaaday dalka Soomaaliya.
Diyaar garowgii ugu danbeeyay ayaa socda waxaana ladejiyay istaraatiijiyad balaaran oo lagu bartilmaameedsanayo cadawga Tikreega iyadoo istaraatiijiyadan si gaara loogu beegsanayo madaxda nidaamka Tikreega ee kusoo jeeda magaalada Baydhabo.
Kadib markii laga war helay in Meles Sanaawi kusoo jeedo magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay mujaahidiinta wadaan olole balaaran oo lagu beegsanayo mujrimkaasi si uusan dib ugu noqon Etoobiya isagoo bad qaba.
Mujaahidiinta wax iskacaabinta oo awood kuleh gudaha dalka Soomaaliya kana howlgala goob kasto oo kamida ciida Soomaaliya ayaa dhaq dhaqaaq xoogan kawada gudaha magaalada Baydhabo iyadoo hadafka dhaq dhaqaasi yahay sidii loo bartilmaameedsan lahaa Meles Sanaawi iyo dabadhilifyada u adeega.



