Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Somaliland Army Near Garowe

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56703
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Somaliland Army Near Garowe

Postby AbdiWahab252 » Mon Oct 15, 2007 3:42 pm

http://waagacusub.com/war%203345123461112qf9f.htm

Topnews tonight:- Ciidamadda Somaliland oo kulaalaya Caasimada Puntland ee Garowe xilli ay qax iyo dibadbacyo ka socdaan,Weriyaasha Waagacusub.


Ganbadhe 15/10/2007 Friday Octaber Waagacusub.com

Ciidamadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka ruuqaansaday degaanka Ganbadhe oo 23 KM u jira Magaala Madaxda Puntland ee Garowe ka gadaal markii ay aroornimadii hore ee maanta la soo wareegeen inta badan magaalooyinka gobolka Sool sida Laascaanood.

Ciidamadda Somaliland ee ka baxay Ganbadhe ayaa la soo weriyay inay ku wajahan yihiin wadada dheer ee isku xirto Qardho iyo Garowe halkaas oo ay doonayaan inay jaraan ,sida ay Waagacusub u xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada ee Somaliland iyo Puntland.

Ciidama uu horkacayo Wasiiru daaqiligii hore ee Puntland Axmed Cabdi Xaabsade oo u badan maleeshiyo beeleed u dhashay Dhulbahante ayaa dhinaca Ganbadhe kaga baxay wadada toosan ee Garowe ,waxayna Saraakiisha la socoto Xaabsade sheegeen inuu bartilmaameedkoodu yahay Garowe si ay kaga jawaabaan weerar ay sheegeen in Ciidamo reer Garowe ah aroornimadii hore ku qaadeen Hooyga Xaabsade ee Magaalada Laascaanood balse uu ka badbaaday.kadib markii ay ilaaladiisa iska caabisay,kana baxsaday degaankaas.

Garowe ayaa la soo sheegayaa inay ka dhacayaan dibadbaxyo iyo rasaas goos goosa oo ay ridayaan kooxo gadoodsan oo cambaareeynaya Madaxweyne Cadde Muusse oo lagu edeynayo inuu masuul ka yahay jabka iyo guuldarooyinka ku habsaday Ciidanka daraawiishta Puntland.

Dibadbaxayaasha reer Garowe waxay ku dhawaaqayeen” Inaan is difaacno waa xaq ,beesha waa inaysan u kala harin sidii aanu Caasimada u difaacan lahayn,isu soo baxa oo hubkiina qaata,joojiyana qaxa iyo qalqalka”

Sida uu ku waramayo Weriyaha Waagacusub dadweyne fara badan ayaa qax bilaabay xilli dhinaca kale ay dadweyne reer Garowe ah dhigayaan dibadbaxyo qulqulatooyin xambaarsan oo ay ku dalbanayaan in beesha Garowe is difaacda oo aysan ku tashan maamulka Cadde Muusse,waxayna sidoo kale ku dhawaaqayeen erayo ka dhana Madaxweyne Cadde oo saacada ka hor ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa Itoobiya.

Weriyaha wuxuu sheegayaa inuu qaxa dadweynaha biloowday ka gadaal markii laga warhelay inay Ciidamada Somaliland soo jiireen difaacii ku dhawaa Ganbadhe ee Puntland,taasna ay dhalisay inay isaga baxaan Magaalada maadama ay ku imaan karaan Garowe inkayar 22 daqiiqo marka laga tusaalo qaato wadada oo aad u dhisan iyo kiilomitirka gaaban ee ay u jiraan Caasimadda Puntland.

Waxaa la sheegayaa in Ciidamada ugu badan ee kulaalaya Garowe ay u dhasheen Beelaha Dhulbahante iyo Warsengeli,waxaana jiidaha hore ee Aaga Garowe ku sii qulqulaya Wasiiro iyo madax reer Somaliland ah kuwaas oo kormeeraya hoowlgalada Melleteri ee Ciidamadooda.

Weriyaal ka tirsan Waagacusub oo Hargeysa ka raacay wafdi reer Somaliland oo gaaray Ganbadhe ayaa soo sheegaya inay inta badan mareen wadooyin qarda jeexa hasse yeeshee markii ay Laascaanood galeen ay indhahooda ku arkeen dadweyne isugu soo baxay wadooyinka oo caleema u ruxaya wafdiga iyo Calanka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka lalmanayay guud ahaan dhismooyinka dhaadheer ee Laascaano.

Weriyaashu waxay leeyihiin intii aanu ku soconay wadada ayaanu gaarnay meel aanan magaceeda aqoon oo xigta dhinaca Garowe ,waxayna Ciidamadii ku sugnaa fariisinkaas Ciidan ku wareejiyeen madaxdii aanu la soconay 13 Gawaarida dagaalka iyo 21 Askari oo lix ka mida ay ku sheegeen inay Saraakiil ciidan dagaal yihiin.

“ Abaanduulka guud ee Ciidamadda Qaranka Somaliland Jeneral Ibrahim Caydiid wuxuu noo sheegay inay ka qabteen maamulka Garowe 15 Gawaari dagaal ilaa 38 Maxaabiisa laakiin anagu waxaanu indhaheyna ku aragnay 13 Gawaari dagaal iyo 21 Maxbuus”ayey yiraahdeen Weriyaasha Waagacusub oo aan idiin soo gudbin doono sawiro iyo warbixino ay ka soo qaadeen jiidaha dagaalka dhinaca Somaliland ku sugan tahay.

Madaxweyne Cadde Muusse ,Ku xigeenkiisa Xasan Dahir Afqudhac iyo Taliyaha Daraawiishta Puntland Cabdi Samed Cali Shire ayaa shir albaabada u xiran wuxuu uga socdaa Garowe,iyadoo aan la ogayn waxa ay uga wada hadlayaan hasse yeeshee dhanka kale Garowe waxaa ka soconaya is abaabul ciidan oo looga hortagayo Ciimadda Somaliland.

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com

User avatar
Luq_Ganane
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7849
Joined: Tue May 22, 2007 10:17 am

Re: Somaliland Army Near Garowe

Postby Luq_Ganane » Mon Oct 15, 2007 3:45 pm

Horta everyone on SNET takes their Tool's articles as the gospel. Laughing Laughing

User avatar
Sangub
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 447
Joined: Sat Jun 30, 2007 7:18 pm
Location: Cell #128, OG-Block, Djibouti City transfer Department

Re: Somaliland Army Near Garowe

Postby Sangub » Mon Oct 15, 2007 3:46 pm

beentacusub.com

User avatar
radical
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 437
Joined: Mon Oct 08, 2007 10:04 am
Location: Berbera

Re: Somaliland Army Near Garowe

Postby radical » Mon Oct 15, 2007 3:52 pm

US is backing somaliland,..Meles and Puntlands game is busted,,they were planning to give the lucrative oil deals to Chinese.. Laughing Laughing Laughing Laughing


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 78 guests