Meydadka 7 nin oo silig ay ku marjiyeen ciidamada Ethiopia oo laga helay deegaanka Shillaabo
Mogadishu 15, Oct. 07 ( Sh.M.Network)- Deegaanada Shillaabo iyo Labo Baar ee dhulka ismaamulka Somalida Ethiopia ayaa shalay galab lagu arkay meydadka 7 nin oo silig lagu marjiyay.
7dan nin oo lagu marjiyay Silig ayaa waxa ay ahaayeen reer Guuraa daganaa halkii lagu sirqiyay ee dhulka ismaamulka Somalida Ethiopia, waxaana ay ka soo kala jeedaan deegaanada Cadaado iyo Guriceel ee gobolka G/gaduud.
Nin sidoo kale ku soo dhaawacmay deegaanadaasi ayaa waxaa la dhigay Isbitalka Starlin ee deegaanka Guriceel sida uu Shabelle u sheegay gudoomiyaha degmada Guriceel Cali Sheekh Maxamuud.
Guddoomiyaha ayaa ku eedeeyay in daldalaadadda raggaasi ay geysteen ciidamada Ethiopia, isla markaana uu wada hadalo arinkaan ku aadan uu la leeyahay sarkaal Ethiopian ah oo ku sugan deegaanka Guriceel.
Ciidamada Ethiopia ayaa waxa ay aaminsan yihiin in deegaanada Labo baar iyo Shillaabo ay joogaan kooxaha mucaaradka ah ee ONLF.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamada Ethiopia ay tacadiyo ka geysteen dhulka ismaamulka Somalida Ethiopia, iyadoo marar badan hay'adaha xuquuqda Aadanaha ay cambaareeyeen falalkaasi ay geysteen ciidamada Ethiopia.



