This is soo worn-out, the crying-wolf about delusional foreign fighter and terrorist to mislead the public, I wonder why he has been so late with this
Cadde Muuse: “Ciidamadii qabsaday Laas Caanood waxaa ku jira kuwo ajaanib ah”.
Shabelle airs news in English
Mogadishu 16, Oct. 07 ( Sh.M.Network)- Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse ayaa sheegay in ciidamadii qabsaday magaalada Laas Caanood ee ka socday maamulka Somaliland ay wehliyeen kuwo ajaanib ah oo uusan sheegin halka ay ka yimaadeen.
Hadalkaan ayuu ka sheegay Cadde Muuse magaalada Garoowe, isagoo la hadlayay ragga wararka fidiya, waxaana uu sheegay in dagaalkaasi uu yahay mid lagu doonayo in lagu wiiqo dowladda kMG ah ee Somalia.
Waxa uu sheegay in Puntland ay leedahay awood ay isku difaacdo isla markaana kooxaha soo weeraray Laas Caanood aysan suurto gal u noqon doonin in calankooda ay ka taagtaan.
Hadalka cadde Muuse ayaa u muuqanaya mid qiraya guuldarro ka soo wajahday ciidamadiisa dagaaladi shalay ka dhacay magaalada Laas caanood, waxa uuna ku soo beegmayaa xilli dhaq dhaqaaq iyo abaabulo ciidan ay ka soconayaan gobolada Puntland.




