Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

6 hour fierce battle still continues to rage in Mogadishu..

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
adanboy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1184
Joined: Thu Mar 22, 2007 12:28 pm
Location: Struggle

6 hour fierce battle still continues to rage in Mogadishu..

Postby adanboy » Tue Oct 16, 2007 3:57 pm

Dagaalkii ugu dheeraa oo Muqaawameyn ah oo waaca ka soconaya inta u dhaxeysa isgoysyada Aadan cadde iyo H/wadaag

Dagaalkii ugu dheeraa ayaa caawa saacadan la joogo ka soconaya inta u dhaxeya isgoysyada Aadan cadde iyo H/wadaag ee Wardhiigley iyo Hodon, iyadoo dagaalkanina uu bilowday caawa abaara 6:20 isagoo soconaya illaa iyo haatan oo ay saacadu ku beegan tahay 10:00 fiidnimo kuna dhow saqda dhexe.

Dagaalkan oo la isku adeegsanayo madaafiicdii ugu tirade badneyn uguna hugunka weyneyd ee la isku adeegsado dagaalo Muqaawameyn ah, ayaa waxaa ay intooda badani ku dhacayaan qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha, maadama ay halka uu haatan sida tooska ah uga soconaya dagaalkani uu yahay waddooyinka koowaad iyo labaad ee gala suuqa Bakaaraha.

Sidoo kale, dagaalkan ayaa sii labo kacleeyey caawa abaara 9:00 fiidnimo, waxaana xilligaan la isku adeegsanayaa madaafiicda noocyadeeda kala duwan iyadoo qoryaha yaryarka ah ee daran dooriga u dhacana uu dhawaaqoodu noqday mid hooseeya, maadaama goobta la isku dhaaf dhaafsanayo hub aad uga shanqar weyn xabaddaha yaryar.



Daqiiqado ka hor ayaa la maqlay madaafiic dhowr ah oo gaareysay 6 kuwaasoo lagu qiyaasay inay yihiin madaafiicda hoobiyeyaasha, inkastoo aan la xaqiijinin weli, waxaana xusid mudan in madaafiicdii ugu horeysay ee caawa la isku adeegsaday ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 ruux oo rayid ah oo qaarkoodna la sheegay in laga yaabo inay u geeriyoodeen dhaawacyadii cuslaa ee soo gaaray, waxayna dadkani ku sugnaayeen suuqa Siinaay.

Waa dagaalkii ugu dheeraa ugu kululaa ee muddooyinkan dhex mara ciidamada dowladda iyo kooxaha ka horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, waxaana dagaalkan la oran karaa, waa dagaal geystay qasaare isugu jira, naf iyo maalba, maadaama meelaha ugu badan ee madaafiicdu ku dhacayaan ay tahay goobo ganacsi oo ku yaala hareeraha wadooyinka koowaad iyo labaad ee suuqa Bakaaraha.

Goobaha ay caawa sida tooska ah uga socnayaan iska hor imaadyadan xoogan ee aan waxba la isku reeban ayaa ku beegan inta u dhaxeya isgoysyada Aadan cadde iyo H/wadaag, ee Wardhiigley iyo Hodon, waxaana halkaasi ku suganaa habeenadii la soo dhaafay boqolaal ka tirsan ciidamada dowladda oo iyagu aad u hubeysan una feejigan.
Last edited by adanboy on Tue Oct 16, 2007 4:01 pm, edited 1 time in total.

Alchemist
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6857
Joined: Tue Sep 04, 2007 9:52 pm
Location: DPJUGFDRTG

Re: 6 hour battle fierce battle continues to rage in Mogadishu..

Postby Alchemist » Tue Oct 16, 2007 3:59 pm

Allahu akbur... Cool

The Jihad will continue inshallah..

User avatar
adanboy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1184
Joined: Thu Mar 22, 2007 12:28 pm
Location: Struggle

Re: 6 hour battle fierce battle continues to rage in Mogadishu..

Postby adanboy » Tue Oct 16, 2007 4:00 pm

Latest 23:30: The liberation front captures a traitor Hawlwadag station, 3 ethiopian bases is under heavy attack up somalia

Xoogaga Muqaawamada oo la wareegay saldhiga Howl-wadaag dagaal rogaal celis ah ka dib

Beerdhiga 16.10.2007 23:10

Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed ayaa caawa dagaal kululi ka dib la wareegay Saldhiga Ciidanka Booliiska DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya ee degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhadhaw Xoogaga Muqaawamada ayaa Beerdhiga u xaqiijiyay in ay caawa la wareegeen saldhiga Booliiska Degmada howl-wadaag isla markaana ay ku gubeen hal gaari oo aan si rasmi ah loo sheegi karin noociisa ka dib markii ay ku qaadeen dagaal xoogan oo rogaal celis ah.

Dagaalka oo bilowday Abaarihii 06:00 Makhribnimo xiliga magaalada Muqdisho ayaa mudo hal saac ah ka dib joogsaday isaga oo mar labaadna dib u bilowday Abaare 09:20 fiidnimo ee caawa kaas oo ay xoogaga muqaawamadu ku qaadeen Saldhiga Booliiska iyo ciidamo kale oo gurmad u ahaa Ciidamada Booliiska DFKMG ah ee degan isla Saldhigaas.

Dagaalkan oo ahaa mid la isku adeegsanayay Madaafiic iyo hubka kale ee sida daran dooriga u dhaca ayaa waxa uu ku faafay nawaaxiga inta u dhaxaysa Isgoyska Siinaay illaa nawaaxiga Saldhiga Booliiska ee Howl-Wadaag.

Illaa iyo hadda lama sheegi karo khasaarooyinka nafeed ee caawa soo gaaray Ciidamada Booliiska ee weerarka xoogani lagu qaaday,marka laga reebo hal askari oo uu sheegay in laga dilay Taliyaha howl-galinta Ciidamada Booliiska DFKMG ah ninka lagu magacaabo ?Dhuumaal?.

Dhinaca kale Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee ku sugan Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa ku gaaracayay Madaafiic badan oo qaarkood lagu sheegay Hoobiyayaal xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan ayaa illaa iyo hadda ku dhacaya:- wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha, Agagaarka Masjidka Abii Hureyra,Isgoyska Siinaay

Sidoo kale Xaafadaha ay ku dhaceen madaafiicdaasi waxaa ka mid ah Shirkole, Xamar Jadiid, Black Sea, Geed jeceyl iyo Siinaay oo madfac ku dhacey uu halkaa ilaa 20 qof ku waxyeeleeyay oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jira.

Dagaalkan oo u muuqday mid Qorshaysnaa ayaa noqonaya markii labaad oo Bishan gudaheeda lagu qaado Saldhigan Weerar Xoogan isla markaana caawa oo ay heleen Ciidamada Booliiska ee Saldhiga howl-wadaag gurmadkoodii ugu xooganaa laga itaal roonaaday kaas oo caawa astaan u noqday awooda sii kordhaysa ee ay xoogaga Muqaawamada Maalinba Maalinta ka dambeysa la soo baxayaan.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 13 guests