http://gedoweb.com/waraq.jpgDawladda fadaraalka oo Deegaanka Ceel Cade u Magacawday Degmo iyo Dekreetadii
Posted by Admin
Wednesday, October 17 @ 13:43:51 PDT
Topics Wasaaradda arimaha gudaha dawladda fadaraalka ku meel gaarka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday in deegaanka Ceel-Cade ee gobalka Gedo si rasmi ah loogu magacaaway dagmo ka tirsan Dagmooyinka uu ka kooban yahay guud ahaan gobalka Gedo.
Shir'jaraaid oo uu maanta ku Qabtay wasiiru dawlaha arimaha gudaha Ahna ku simaha wasiirka arimaha gudaha xarunrta wasaaradda ayuu ku sheegay kadib markii wasaaradooda ay aragtay in deegaanka Ceel-Cade ee buuxisay dhamaan shuruudihii looga baahnaa ay wasaaradooda garwaaqsatay in loo magacaabo deegaankaasi dagmo.
Wasiiru dawlaha arimaha gudaha ahna ku simaha wasaaradda arimaha gudaha ayaa ku amray hay;adaha ay arintaan quseeso in si rasmi ah ay uga hawl galaan dagmadaasi isaga oo ugu baaqay dadka reer ceel cade in ay ka qayb galaan shirka ka soconaya magaalada Garbahaarey.
" Odayaasha , siyaasiyiinta iyo dhammaan qaybaha kala duwan Bulshada ku dhaqan dagmada Ceel-Cade waa in ay ka qayb galaan shirka ka soconaya magaalada Garbahaareey waliba iyaga oo dagma ah waana in ay ka qayb qaataan doorashada dagmooyinka ay u galayaan doorashada gudoomiyaha gobalka Gedo" waa sida uu hadalka u dhigay.
Digreetadan dagmada loogu magacaabayo Deegaanka Ceel cade ayeey waxay u qorneed sida tan
Sidoo kale waxaa horay u saxiixay in deegaanka ceelcade loo magacaabo dagmo dhammaan xubnaha labada Gole ee Beesha Sade