War Deg Deh Ah: Cadde Muuse oo galkacayo aaday ka dib markii ay dib usoo gurteen ciidamadii daraawii
Warkii 18-Oct-2007 iyo Qormadii: afnugaal
War hadeer naga soo gaadhay magaalada garoowe ayaa sheegaya in ciidamada daraawiishta ee Puntland ay dib uga soo gurteen deegaanka tukaraq oo 60km dhanka garoowe ka xiga magaalada laascaanood sababo la xidhiidha..
Talooyin ay soo jeediyeen hogaanada ciidamada daraawiishta Puntland ee ku sugnaa deegaanka tukaraq iyagoona ku sheegay dib ugurasho xeel dagaal..
Wararka ayaa intaasi ku daraya in taladan ay soo jeediyeen saraakiisha ciidamada Puntland ka dib markii ay ciidamada Somaliland soo gaadheen tuulada ganbadhe oo qiyaastii 30km dhanka garoowe ka xigta laascanood , waxaana hada labada ciidan udhaxaysa masaafo dhan 30km ..
Dhinaca kale waxaa goor dhowyd u anbabaxay magaalada galkacayo ee gobollka Mudug madaxwyanaha dowlad goboleedka Puntland Mudane : Maxamuud muuse xirsi iyadoo ay gelbinayaan gawaadhida dagaalka oo aad utiro badan kuwaas oo ay ugu danbasay cadde muuse inuu ka xaysto xiligii uu madaxda u ahaa jabhadii JPP ee ku kacdan maamulkii madaxwayne c/laahi yuusuf.
Ilaa hada lama oga waxa uu ku saabsan yahay safarka cadde muuse ee galkacayo ,
Xarunta puntland ee garoowe ayaa waxaa ilaa xalay laga dareemayaa kacsanaan aad u heer saraysa iyo abaabul ciidan ..
Haka dheeraan Afnugaal wararka dagaalada Somaliland iyo Puntland oo aanu sida wax udhacaan idiinku soo gudbin doono
Afnugaal news
Garoowe Puntland Somalia
Info@afnugaal.com



