Israsaaseyn culus oo ka bilaabatay magaalada Boosaaso
Click here to find shabelle news in English
Shabelle airs news in English
Boosaaso 18, Oct. 07 ( Sh.M.Network)- 3 ruux ayaa ku dhaawacmay inta la og yahay Israsaaseyn culus oo ka bilaabatay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee maamulka Puntland, xilli xiisado colaadeed ay ka oogan yihiin goolka Sool.
Irasaaseyntaan oo u dhaxeysa ciidamada Puntland iyo kooxo hubeysan ayaa socota muddo ka badan hal saac waxaana la maqlayaa dhawaqa rasaas aad u culus sida uu ku soo waramayo wariyaha shabelle ee magaalada Boosaaso.
Labada dhinac ayaa waxa ay isku adeegsanayaan hub culus iyo mid fudud, waxaana isrsaaseyntaan ay saameyn ku yeelatay howlihii ganacsi ee qeybo ka mid ah magaaladaasi.
Wararkii ugu dambeeyay oo aynu ka helnay magaaladaasi ayaa waxa ay sheegayaan in israsaaseyntu ay wali socoto.
Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
Click here to find shabelle news in English
Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka
C/qani Xasan Dhagjar
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net
Email Us: news@shabelle.net





