harti knows they cant fight whole somaliland so they have to get help
Buurtinle: Shir dhexmarey Wasiiro Puntland ah Iyo Waxgaradka degmada Burtinle.
18. oktober 2007
APL
Tool
Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
Print This Article | Daabaco warkaan
Burtinele(AllPuntland)- Shir dheer ayaa dhexmaray maanta wasiiro ka socda dowlad gobaleedka Puntland oo uu hogaaminayo wasiirka Maaliyada Maxamed Cali Yuusuf iyo Waxgaradka degmada Burtinle.
Shirkan dhexmaray Wasiiradan iyo waxgaradka Degmada Burtinle ayaa ku saabsan dhinaca difaaca dowlad gobaleedka Puntland & Gacanta ay ka geysanayaan arimaha difaaca ee gobalka Sool.
Waxgaradka ayaa usheegay Wafdigan ka socda Puntland in ay hiil iyo Hoolba la garab taagan yihiin ciidamada daraawiishta ee Puntland ,isla markaana doonayaan in ay awoodooda dhinac walba ku biiriyaan Xukuumada Puntland.
Wasiiradan ayaa dhinacooda waxa ay shaaca ka qaadeen in ay doonayaan in ay dadka Puntland kala hadlaan ,gaar ahaan gobalada ay booqanayaan difaaca Puntland iyo sidii loo taageeri lahaa ciidamada Puntland.
Wasiirka Maaliyada Maxamed Cali Yuusuf ,wasiirka Cadaalada arimaha diinta Cabdirisaaq Yaasiin Cabdile & wasiirada Horumarinta Qoyska iyo arimaha haweenka Caasho Geelle Diiriye ayaa dhamaantood ku dhawaaqey in ay Puntland ay diyaargarowgii u sareeyay ugu jirto Difaaca.
Wasiiradaasi ayaa maanta harsanayay degmada Burtinle ayadoo ay wadahadalo taxane ah la lee yihiin maamulka iyo waxgaradka deegaanka, ka dib harsiimadana waxay usii caraabi doonaan wafdigu ilaa Gaalkacyo oo la filayo inay caawa u hoydaan iyagoo sii mari doona deegaamo kale.
Dhinaca kale magaalada Gaalkacyo ayaa wafdigaan ay ku siijeedaan ayagoo lafilayo in ay halkaasi kula kulmaan, saraakiil ciidan ee magaaladaasi iyo waxgaradka beelahaasi kana wada hadlaan arimaha difaaca ee Puntand.
Faarax C/qaadir Geylan
AllPuntland