Gudoomiyaha golaha xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif oo beeniyey hadalkii Gen Cadde Muuse.
Warkii 17-Oct-2007 iyo Qormadii: Hassan Dirie Jama
Gudoomiyaha ururka xoreynta cariga soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku tilmaamay hadalkii Cadde Muuse mid aan loo meel dayin oo caal waa ah,kaasoo uu ku sheegay in malayshiyooyinka qabsaday Laascaanood ay ahaayeen hadhaagii maxakamadaha iyo argagixiso muslimiin ah.
Sheekh Shariif ayaa waxa uu sheegay in aanay marnaba ka qayb qaadana karin dagaalo u dhaxeeya dad soomaaliyeed ama beelo soomaaliyeed oo ay la dagaalamaan oo keliya cadowga Itoobiya iyo gaalada wadanka qabsatay,ayna aad uga xun yihiin soomaalida is laynaysa.
Sheekh Shariif wuxuu ugu baaqay in dagaalka la joojiyo oo meel looga soo wada jeesto cadowga Itoobiya,somaliland iyo puntland waxa ka socdana aanay shaqo iyagu ku lahayn.
Halkan Riix si aad u dhegaysato Waraysiga Sheekha.
http://www.afnugaal.com/ktmllite/images ... hariif.ram
Hassan Dirie Jama.
Afnugaal Online.
Contact:xassand2000@yahoo.com
Or Info@afnugaal.com




