Magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe oo Ay Ka Qaxayaan Hadhaagii Daraawiishta
Ciidanka Qaran Somaliland ayaa dhirbaaxo lama ilaawaana ku dhuftay Ciidamada Majeerteeniya markii ay sadex goobood ka soo weerareen Ciidanka qaranka Somalilad, kanala hadheen maxaabiis iyo Saanad kale.
Taageerayaashi Ciidamada Majeerteeniya ayaa imika waxay bilaabeen in ay ka qaxaan Magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe ka dib markii Gen Cadde Muuse uu ka baxay Magaalada Garoowe una kicitimay Magaalada Gaalkacayo, sida uu ku soo waramayo Wariye Madax banaan oo ku sugan Jiida Magaalada Laascaanood imika way degan tahay waxaa magaalada dib uga bilaabmay ganacsigii Yar Yaraa, waxaana dib loo furey Isgaadhsiintii, iyadoo Magaalada aad ku arkayso in ay ka baxeen maatadii oo ay isugu soo hadheen Rag hubaysan iyogoo madaxda Puntland inta badan ay ku hadaaqaan in ay magaaladoodu weerar lagu qabsaday iyaguna ay talaabo qaadi doonaan.
Isusocdka magaalada waa wacan yahay Cabsi Ma jirto Gudoomiyaha Gobalka Cali Sandule ayaa sheegay in ay wufuud ka sugayaan Somaliland kuwaas oo ah Wasiiro ka soo jeeda Magaalada Laascaanood.
Dhinaca Maceeshada iyo Biyaha malaha wax isebedela ma jiraan , waxaa yara kordhay sicirka dhuxusha, Ciidamada Somaliland ayaa dhamaan way degan oo ku sugan yihiin Duleedka Tuulada Tukaraq.




