Page 1 of 1

UCID And KULMIYE Ladies help the JSL Troops

Posted: Fri Oct 19, 2007 4:20 pm
by XidigtaJSL
HAWEENKA UCID OO TAAKULO U GUDBIYEY DHAAWACA CIIDANKA QARANKA



HAWEENKA UCID OO TAAKULO U GUDBIYEY DHAAWACA CIIDANKA QARANKA

Garabka Haweenka ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID, ayaa maanta markii ugu horeysay taakulo gaadhsiiyey xubnaha Ciidanka Dhaawaca ah, ee ku sugan Cusbitaaka Dhexe ee Magaalada Burco G/Togdheer.

Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga UCID, Marwo Sahra Xisri Budul oo deeqdan taakulada ah Gudoonsiisay Madaxa Caafimaadka ee Gobalka Togdheer ayaa ku tilmaamay deeqdan oo isugu jirta Dhar, Bustayaal iyo Lacagba, in ay ugu talo galeen inay ku kaalmeeyaan Ciidanka Qaranka taasi oo ay ku taageerayeen guulihii ay ka gaadheen dagaaladii gobolada Sool.

Marwadan waxaa kale oo ay sheegtay inay Tacsi u dirayaan Ciidanka Ku dhintay dagaalkaasi, isla markaana ay taageero la daba joogi doonaan Ciidanka.

Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka Gobalka Togdheer Aadan Cilmi Diiriye (Malaay) ayaa isaguna taakulada ku tilmaamay mid ay ugu Hanbalyeynayaan Haweenka UCID, kaasi oo uu sheegay inay Hormood unoqdeen Xisibiyada.

Geesta kalena waxay kaalmadani noqon doontaa tii labaad ee Xisbiyadu u gudbiyaan Dhaawaca Ciidanka iyada oo Todobaadkii hore Xisbiga UDUB sidan oo kale kaalmo kale duwan gaadhsiiyey Maxaabiista Dagaalka ee Xidhan Xabsiga Dhexe ee Burco.

YUSUF IBRAAHIM WARSAME



ILKA CASE, BURCO



SOMALILAND

Re: UCID And KULMIYE Ladies help the JSL Troops

Posted: Fri Oct 19, 2007 4:21 pm
by XidigtaJSL
Haweenka Xisbiga KULMIYE Oo Wasiirka Gaashaandhigga Guddoonsiiyey Timir Ay Ugu Deeqeen Ciidanka Jiidda Hore



Haweenka Xisbiga KULMIYE Oo Wasiirka Gaashaandhigga Guddoonsiiyey Timir Ay Ugu Deeqeen Ciidanka Jiidda Hore


| Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ayaa maanta ku wareejiyey Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka 100 Teneg oo Timir ah oo ay ugu deeqeen ciidanka Qaranka ee ku sugan jiidda dagaalka ee Bariga magaalada Laascaanood.Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Garabka Haweenka ee Xisbiga KULMIYE, Marwo Layla Cismaan oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Haweenka Qaranka ee xisbiga KULMIYE, marwo Canab Cumar Ileeye iyo xubno door ah oo ka tirsan haweenka xisbiga KULMIYE ayaa deeqdaas ku guddoonsiisey Wasiirka Difaaca Somaliland, mudane Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka, halkaas oo ay ilaa shalay ku qulqulayeen kaalmo cunto iyo hu’ isugu jirta oo qaybo kala duwan oo bulshada ahi ugu deeqeen ciidanka Qaranka ee jiidda gobolka Sool kaga jira dagaalka. “Marka hore, anigoo ku hadlaya magaca haweenka xisbiga KULMIYE waxaanu hambalyaynaynaa ciidanka Qaranka Somaliland, saraakiishooda iyo saraakiil-xigeenadooda iyo dhammaantood oo ku guuleystey dagaalkii ay kala hortageen cadowga, ” sidaa waxa tidhi Marwo Layla oo ka hadlaysey xafladdii ay ku guddoonsiisey deeqdaas Wasiirka Difaaca.”Haddii aanu nahay haweenka xisbiga KULMIYE waxaanu mar walba hiil iyo hooba la barbar taaganahay ciidankaa Qaranka ee Jiidda dagaalka ku jira ee difaacaya dalka oo aanu marwalba hambalyo iyo taageero la barbar taagan nahay, ” ayay raacisay.Waxayna sheegtay in Deeqdan Timirta ahi ay hordhac u tahay deeqo kale oo isugu jira dhar iyo daawooyin oo ay u soo wadaan ciidanka Qaranka.Marwo Canab Cumar Ileeye, Guddoomiyaha Haweenka Qaranka ee xisbiga KULMIYE oo iyana halkaa ka hadashay ayaa ku guubaabisey dowladda Somaliland inay iska daayaan hamrashada, isla markaana ay sugaan xuduudaha Somaliland oo ay sheegtay inay tahay mid dal waliba xaq u leeyahay.Wasiirka Gaashaandhigga, mudane Cabdillaahi Cali Ibraahim ayaa uga mahadnaqay haweenka KULMIYE kaalmadaas ay soo gaadhsiiyeen ciidanka Qaranka ee dagaalka ku jira. Waxana uu sheegay in deeqdani ay tahay tii saddexaad ee ilaa saaka uu guddoomo, isaga oo sheegay in ururro samafal waddani ahi ay deeq noocan oo kale ah soo gaadhsiiyeen ciidanka, taas oo muujinaysa ayuu yidhi sida dadweynuhu u barbar taagan yahay ciidanka.Wasiirku waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay haweenka xisbiga KULMIYE oo uu sheegay in tallaabadoodu ay tahay mid ku dayasho mudan, taas oo uu sheegay in loo baahan yahay in la joogteeyo oo markasta oo dalka xaaladdi soo wajahdo meel laga soo wadajeesto

SOURCE: SOMALILANDORG