Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Taliska budhcad-badeedka Bugland oo maatada madaafiic ku gar

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Taliska budhcad-badeedka Bugland oo maatada madaafiic ku gar

Postby XidigtaJSL » Sat Oct 20, 2007 2:33 pm

Aargoosi uma noqoneyso Taliska budhcad-badeedka Bugland dadka shicibka ah uu maanta maadaafiicda ku garaacayo Boosaaso!!

Maamulka Budhcad-badeedda khayaaliga ku dhisan ee
Bugland, beentii uu weligiiba isku maaweelin jirey ee
ahayd, "Wixii Madaxmadow (marka idahana lagu daro) iyo
Majeerteen baa siman !! Somali wa Dir iyo Daarood !!
iyo sheekooyin la mid ah, waxa qaadan waa iyo
jaahwareer ku riddey, dhirbaaxadii kaga dhacdey
Laas-Caanood, waxaanu aargoosi moodey in uu dadkii
shicibka ahaa ee ka soo jeeday Beesha Warsangeli, ee
degganaa Boosaaso uu Madaafiic ku garaaco.

Talo dumarlahan Bugland, ee garaadkiisa maamul sidan
yahay, haddii ay Raambooyada xaaladaha gaarka ahi
dhirbaaxaanna muxuu dadkiisa laftooda ku samayn
lahaa!!
Somaliland xilweyn ayaa ka saaran badbaadinta Dadka u
dhashay ee Muwaadiniinta Beesha Warsangeli, Cadde
Muuse waa in uu fagaaraha ragga la tago madaafiicda ee
aanu dadka rayidka ah ka dhex arkin Somalilandnimo.
Waxa aanu uga digeynaa in uu qof dambe waxyeelleeyo
isaga oo og in aanay Ciidankayaga waxba la mudneyn in
uu gebi ahaanba gaccanta ku dhigo, Maamulkan
argagixiso Badeednimada iyo Xasuuqa dadka rayidka ah,
mid uu Madaafiic la dhaco iyo qaar uu inta la dhaco,
haddana Badda ay ku daadiyaan Doonyaha ay ku
maxaafsadaan!!

Taliskan arxanka daran ee damaca waalani jaanjaamiyey,
iyaga oo Saldhig u ah ONLF oo itoobiya kula
dagaallanta waxa ay isirnimada ku sheegayaan
Ogaadeeniya, Iyaga oo kooxo budhcad hubeysan ah u dira
Kiiniya oo ay Isirnimo ugu dagaallamayaan NFD, iyaga
oo
Xuduuddii Dawliga ahayd intay soo dhaafeen Gudaha
Somaliland ugu Dagaallamay isirnimo Magaalada
Laas-Caanood oo ay "wadhi" ka gaadhay!! Bidde Muuse
haddii ay ka run tahay isirnimada uu ku dagaallamayo,
ha dhaadhiciyo kiiniya in NFD ay tahay Bugland, ha ka
dhaadhiciyo Melez Zinaawi, Ogadeeniya in ay tahay
Bugland, ha ka dhaadhiciyo mudane Ismaaciil cumar
geelle in ay degaan jabuuti dad isir ahaan uga soo
jeeda oo ay Bugland tahay- "Muntahal junuun"- waa
darajadii ay Waallidu ku dhammaaneysay ee ugu
dambeysay tani!!!

Somaliland haddaba, waxay soo qaadatey sibbitoorkii
adaabta oo u dulqaadan mayso, hummaag dambe oo
dadkeeda iyo Dalkeeda loola yimaaddo, Majeerteen in
aanu Warsangeli iyo dhulbahante midna la tiro ahayn ee
intuu doono ka yaryahay waa xaqiiqada miyirka qabta
iskaba daaya, wixii Madax madoq ama tirada idaha Dalka
joogta'oo!!. qarnigii beenta iyo hadalka lagu
maxaafsanayey waa laga yimid, Wasiir calooshiisa u
shaqeyste ah oo ku muusannaaba dadkiisu inay u
fuliyaan fal dambiyeed uu ku baadho, Maamulka uu u
adeegona waa laga gudbey, Somaliland xuduuddeeda dib
dambe ugama jeedsaneyso ee haddii ay qarxayaan,
qunbulado soo ridayaan iyo haddii ay
qaylinayaanba,qaranku soo noqon maayo !!

Isirnimo Dal laguma helo ee qawaaniinta Caalamku ku
kala socdo ayaa lagu helaa!! Somaliland dhulkeeda
cidnaba ka talogelinmayso difaaciisa ee waa mid u gaar
ah Maamulkeeda, waxa xil ka saaran yahay Bulshada iyo
hantidooda inay ilaaliso, una fidiso adeegyada
nololeed ee Daruuriga ah. Dibudhaca I*daacaddii
qaranku waa tan keentay in ay maxastu ka barakacdo
Laas-Caanood markay dacaayadda Raqiiska ah ee
idaacadda budhcad-badeeddu dhegaha uga buuxisay inay
soo weerarayaan Laas-Caanood , tii Somalilandna ay
Maqliwaayeen!!

Tobanka Sannadood ee soo socda, hubaal weeye in
dakharka gaadhey Bugland , maleeshiyo beeleed
gaas-dhegoole ah mooyee aanay Ciidan nidaamsan ku soo
dagaal geli karayn, hoggaankoodii ciidanna ay og
yihiin waxa ku dhacay inta yar ee qabqable Cabdillahi
yuusuf, wadka hawiye isaga dhigayo mooyaane!! Sidaas
oo ay tahay haddana Somaliland may hawl-gelin
Raamboooyadii Xaaladaha gaarka ah, kuwaas oo lagu
yaqaanno hawl-gal xaddidan oo meelo farabadan saacado
lagaga faraxasho, iyada oo weli lexejecleyneysa
nolosha Ciidanka Isirnimada lagaga maydhay maskaxda ee
jiho habowsan.

Belaayadii aannu ka iibinney Taliskii sidan oo kale u
indho la'aa isirnimada ee Afweyne, intii kaga hadhey
istoodhada ee aanu isaga baqeyney haddii Bidde Muuse u
baahan yahay, ha sameeyo dhaqdhaqaaq , abaabul ama
is-miidaamin dhego la' oo gudaha Somaliland ah,
dariska ay taariikhdu qori doontana yuu cidna waxba ka
siin!!
Nin kuu digey , kuma dilin, hore ayaa loo yidhi. Meel
ummadi ku baaba'day fadhi-ku-Dirir taladiina, calaacal
ma soo celin doono hadhaw!! Budhcad-Badeedda
hadalkooda iyo ficilkoodu ha wada socdo, ee sidii
gabadh la dhirbaaxay, Garoowe yaanay gunuusin !!!

Dr. Cali Cabdi Muxumed,
Hargeysa

User avatar
halfoshalfom-614
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1218
Joined: Fri May 18, 2007 3:05 pm
Location: king of majeertenia.

Re: Taliska budhcad-badeedka Bugland oo maatada madaafiic ku gar

Postby halfoshalfom-614 » Sat Oct 20, 2007 2:35 pm

all iidoors must be comedians walle Laughing

User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Re: Taliska budhcad-badeedka Bugland oo maatada madaafiic ku gar

Postby XidigtaJSL » Sat Oct 20, 2007 2:51 pm

My Reer ayeeyo the Warsangeli are coming for you Majeertenia

User avatar
halfoshalfom-614
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1218
Joined: Fri May 18, 2007 3:05 pm
Location: king of majeertenia.

Re: Taliska budhcad-badeedka Bugland oo maatada madaafiic ku gar

Postby halfoshalfom-614 » Sat Oct 20, 2007 3:05 pm

those warsangali u are talking about are my brothers..............and trust me nothing will happen ..........lakiin we will karbaash idoor Laughing


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot], nnjrewzas112 and 84 guests