War Dag Dag ah Magaalada Boosaaso oo caawa ka Muuqato Saasaan colaadeed Maadaama Magaalada laga dareemayo Qax iyo barakac
Magaalada boosaaso ayaa caawa aad u kacsan maadaama magaalada laga dareemayo cabsi xoog leh oo ku saabsan in uu dagaal ka qarxo Magaaladaas sababo la xariira Ciidamo aad u xoogan oo la maqlay in ay u soo food hayaan koontaroolka Magaalada Boosaaso kuwaasi oo kasoo jeeda beel ahaan Beesha Warsangali.
Ciidamada Beesha Warsangali ayaa fadhiya meel u jirta Magaalada Boosaaso 90 km Kuwaasi oo raba in ay weerar ku soo qaadan Ciidamada Fadhidhiya koontaroolka Magaalada Boosaaso oo aad caawa ka dareemayso Baaris xoogan iyo cabsi xoog leh ,.
Ciidamaas ayaa la sheegay in ay ku hubeesan yihiin Hub aad iyo aad u cul culus kuwaasi oo balan ku qaaday in ay weerar habeeysan ay ku qaadi doonaan Magaalda Boosaaso magaaladaas oo ah magaaladii lagu gumaaday dhalin yaro oo kasoo jeeda Beesha Warsangali Dagaaladii dhax maray Ciidamada Putland Iyo kooxa Ka waday Magaalada Boosaaso Gacdoon Ka dhan ah Maamulka uu madaxda ka yahay Cadde Muuse .
Dhanka kale Kontaroolka Magaalada Boosaaso ayaa caawa waxaa laga celniyaa dhamaan gawaarida Xamuulka ahaa oo ka kala goosho jiray Magaalooyinka kala ah Gaalgacyo iyo boosaaaso kuwaasi oo dib ugu soo laabanaya Magaalada boosaaso maadaama caawa laga dareemayo hareeraha iyo gudaha Magaalda Boosaaso Saasaan colaadeed .
Ciidamada Maamul Goboleedka Putland ayaa caawa Heegan Xoogan ku jira maadaama ay magaalada dhaxdeeda iyo banaanka Magaalada Laga maqlayo saasaan colaadeed ah iyo hadalo la isla dhaxmaro oo ah in ciidamada Beesha warsangali ee ku sugan jiida hore Ay wacad ku mareen in mudda Saacada ah ku soo galayaan Magaalda boosaaso maadaama ay magaaladaas tahay Magaalo Dadka Rayidka ah lagu gumaado oo beel kaliya ay rabto in ay ku amar taagleeso , waxayna intaas ku dareen in Maleeshiyada Beesha majeerteen oo horgacayo Cadde Muuse ay lagalayaan Dagaal Daba dheeraado .
Warar kale ayaa sheegaya In ay Jiraan ciidamo xoogan oo raba in ay gacanta ku dhigaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso Taasi ayaa ku qasabtay Maamulka Putland In ay caawa xoojiyaan dhamaan Wadooyinka soo gala Magaalada Boosaaso oo caawa ah Magaala Qalalaaso Dagaal ka Jiraan
Wxii warar ah Kala socod Dayniile.com
Xafiiska wararka ee , Qaahira Masar
dayniilecom@hotmail.com




