Mareexaan and Ogaadeen are independent and have learned long time ago what Majirtaan are made of, Barre found out that Majirtaan are no tol and can not be trusted thats why he killed many of them and they turned around and took revenge on the innocent Somalilanders in the name of Dowlada Somaliyeed, Morgan as the head of it. Warsangeli woke up to this reality and formed their own, Dhulus found out the hard way last Monday when the women Majirtaan ran away and deserted Laascaanood for the Dhulbahante to defend, so much for Harti brotherhood
Faallo Taariikhda ma la hayaa SSC oo ku baxsatay hiil Harti?
Warkii 21-Oct-2007 iyo Qormadii: Abdi xuseen
Waxaanan leeyahay waad ku mahadsantihiin hawsha aad u haysaanDadkeena. Waayo waa gole qof kastaa ku soo bandhigo aragtidiisa. Waa gole inoo qaabilsan turxaan reebka iyo bislaynta doodaha dadkeena.
Waxaan u gudbayaa arinkan ku soo kordhay deegaamadii aynu ka soo jeednay! Oo runtii aad moodo in aan weli si mug leh looga doodin ama aan loogu samayn qiimayn dhab ah oo ku fadhida xaqiiqda.
Waayo maalin hore oo ay in badan oo ka mid ah dadkeena ay lahaayeen “Laascaano waa la qabsday iyo lama qabsan” ayaan soo ban dhigay aragti odhanaysa macno aniga ii smayn mayso qabsashada magaaladaasi inta arinku sidan yahay! Ee aan la helin xal siyaasi ah oo lagu so af jaro culayskan iyo daruurtan colaadeed ee mudada shanta sano ah dul taagnayd dadkeena iyo deegaankeena.
Hadaba maantana waxaan idin leeyahay macno ii samayn mayso cid kastoo qabsatay ama qabsan doonta inta arinku sidan inaga yahauy! [Ninka hadraawi la yidhaahdo ayaa maanso uu leeyahay waxa ku jirtay “weli gumicii meel baydhsan buu gawda ku hayaa! Ee inta maanku gaajaysan yahay guuli waa weli”
Waxaa muhiim ah in aynu soo ban dhigno xeel dheerida iyo taariikhda uu deegaankani leeyahay; waa in aynu ka fogaanaa wax kasta oo xanbaarsan caadifad iyo hebelo isu muuqda oo kala riixanaya kuraas aanay cidna ugu danaynayn; waa in aynu ka fekernaa bad-baadada dadkeena iyo deegaankeena; waa in aynu ka fogaano in aynu isu eekaysiino umad diciif ah oo cidi gumaysan karto; waa in aynu noqono umad meel kasta oo ay joogto mudakar ku ah; waa in aynu ka xishoono hadaladan diciifka ah ee xanbaarsan fulaynimada aan lagu aqoon deegamadan ee odhanaysa “ Isaaq baa ina qabsanaya! Ama Harti ayaa ina difaacaya” waxaan odhan lahaa raga sidaas u fekeraaya please ha naga xumaynina taariikhda! Lamana hayo taariikhda maalin uu deegaankan iyo dadkiisu ku baxsaday hiil Harti. Sidoo kale lama hayo meel Isaaq inagaaga bursaday iyo gole aynu habrasho ku joognay!
Mar hadaan ahay umada karaamadaas leh waa maxay habrashada iyo muusanawga ay ka xishoodeen Awoowayaasheen ee aynu manta dadkeena iyo deegaankeenaba u horseedaynaa? Tusaale waxaan idin waydiinayaa Su-aal culus ee bal please jawaabteeda soo ban dhiga; Taariikhda ma la hayaa maalin Dadka dega deegaanka SSC uu ku baxsaday hiil harti? Ma jirtaa maalin aynu Isaaq ugu qayshanay hiil xataa Daarood wayne? Ma jirtaa maalin aan majeerteen dan mooday oo aan ka helay gacan walaalnimo? Waxa kale oo aan idin odhan lahaa bal ka fekera gunimada ay leedahay in reerku hoos galo cid leh waan idin difaacayaa iyo in uu keligii rag wax la qaybsado?
Waxaad ogaataan nin kastaa wuxuu doonayo ayuu heli doonaa; ee ma idin la tahay in aynu u noqono taariikhda deegaankeena? Hadaan soo uruuriyo waxaan weli leeyahay walaalayaal waxaynu u baahanahay xal degdeg ah oo aan ahayn hoos galka difaac Harti iyo cabsi isaaq midna!
Ee bal soo ban dhiga fekeradiina idinka oo si mug leh u fekeraya.
Abdi xuseen
abdihusen@yahoo.co.u k