“Uu Dhamaaday dagaalkii Xabadu, Maamulkii Somaliland ayaa Gobolkii [Sool] Qabsaday,Waxa weli hadhay oo sii baaqiya Af-kii BBC-da lagaga faanayey”
(QARAN) Hargeysa(HWN):-Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland Md. Fu’aad Aadan Cade oo ka mid ahaa Wefti isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano labada Gole Baarlamaan[Guurtida iyo Wakiillada] oo ka soo jeeda Deegaanka Gobolka Sool oo socdaal ku tagay shalay Magaalada Laas-caanood, ayaa waxa uu sheegay inay u tageen Magaaladaasi sidii ay ula tashan lahaayeen dadka ku nool deegaankaasi iyo weliba sidii nabad ay uga is-laaxin lahaayeen,isla markaana wixii shaqaaqo iyo dhibaato ah ee ka dhacday Goobtaasi ay u hagaajin lahaayeen.
Sida waxa uu ku sheegay Wareysi ay maanta la yeelatay Idaacada BBC-da laanteeda Af-ka Soomaaliga ku hadasha,
Waxa kale oo uu Wasiirku ku sheegay Wareysigiisa oo uu ilaahay ka baryey inaanay doonayn inuu markale dagaal goobtaasi ka dhaco,oo uu dhiig ku daato, waxanu ku war-geliyey Maamulka Puntland ee dagaalkii ay la galeen Kuwa Somaliland lagaga awood roonaaday inaanay Dagaal colaadeed soo qaadin oo ay nabad deegaanadu kuwada noolaadaan.
Waxaanu u dhacay Wareysigiisu sian:-
Mar la weydiiyey Wasiirka Deegaanka Su’aal ahayd, Maxay Weftigiinan isugu jira Wasiirada iyo Xildhibaanadu ka qabanayaan Magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool? Waxa uu ku Jawabaay oo uu yidhi “Waxaanu ka qabanaynaa waxa weeyaan Maamulkii xukumayey uu is-bedelay,Dabadeed Waxaanu u nimi waxa weeyaan tallo,nabad iyo Weliba sidii dhulku u is-laaxi lahaa iyo sidii aanu dadka ula tashan lahayn”
“Laas-caanood waxay noqotay Magaalo weyn oo dadka intii badnayd wey degen yihiin, dhalinyaro ayaa dhinaca Laamida iyo Xaga Bariga xigta xoogaha dhagaxaana dhigtay iyo tayiro yar yar ku gubtay,iyada oo nabada oo fiican oo la doonayey in la qaado ayaa la sheegay in qolodii Barigu inay imanayso,dabadeed xoogaha waa la shiray,Saakana xoogaha mudaharaada ayaa anaga [Weftigii] oo markaa ku maqan Ciidamada oo faranta jirna ayey xoogaha dhalinyaro ahi meesha timi,dabadeedna kolkiiba way iska noqdeen. Wax-yaabaha aanu u nimiba waxa weeyaan wixii shaqaaqa ee dhibaato ah ee jiraba anaga oo dadka la kaashanayna inaanu hagaajino,Wanaan hagaajinaynaa” ayuu yidhi Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Somaliland Fu’aad oo ka Jawaabayey Su’aal ahayd,Is-bedelka Maamulka waxa lagu bedela Nidaam Dimuqraadiya, markaa is-bedel nidaamkaasi ku dhisan kama dhicin oo waxa meesha ka dhacay Dagaal oo nabadii iyo Wanaagii aad dooneyseen laydinkama aqbalin oo Saaka waxa laydinku dhigay Mudaharaad,Markaa Haddii aanay dadku idin dooneyn Maxaad ka dooneysaan Laas-caanood oo aad ka qabanaysaan.
Mar iyana la weydiiyey Su’aal ahayd, Magaaladii ma geli kartaan idinka iyo Ciidamadiinuba ayaa la yidhi oo Magaalada Dacaladeeda ayaad joogtaan, markaa taasi miyaanay muujinayn colaada iyo diidmada ay dadku idinku diidan yihiin inaad Magaalada soo gashaan Maxaad Garaadada iyo Isimada u wada hadli-weydeen oo mowqifka aad qaadanaysaan? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi. “Sidaad la socoto uu dhamaaday dagaalkii xabadu,Maamulkii Somaliland ayaa Gobolkii [Sool] Qabsaday,waxa weli hadhay oo sii baaqiya Af-kii BBC-da lagaga faanayey ee la lahaa anaga haysana [Majeerteeniya] iyo col ayaa noogu jira Wax run ahna maaha, oo ciidamada Somaliland go’aan ayey gaadheen, fariintii uu Madaxweynuhu soo faray ayey weli ciidanku haystaan, shalay Waxa yimi Wasiirkii Difaaca Cabdilaahi Ibraahim,Jeneralkii Ciidamada iyo Saraakiishii kale oo dhan ayaa yimi. Amar yey qabaan [Ciidanka Somaliland] oo ma geli karaan Magaalada,tan oo qudhana maaha ee Meleterigu Ma soo galaan Magaalooyinka. Ciidanku Afar ilaa shan Sanadood ayey joogeen Gobolka Sool. Walaahi waxaan odhan karaa hore-na uma soo marin, imikana ma jiridoono Ciidan ka Wanaagsan oo ka akhlaaq Wanaagsan oo dadka wax ay taraan mooyaane waligoodba wax-ba ma yeelin, Markaa Waa Go’aan ay Ciidamadu gaadheen inaanay Magaalada Gelin,Cabdilaahiyow Walaahi ayaan kuu maray baqdini ma jirto ee waxa jirta in dadka banaanka laga joogo oo aan wax dhibaato ah loo geysan, markaa looma gali-waayin baqdin iyo colaad”
Mar iyana la weydiiyey Su’aal ahayd, Puntland waxa la yidhi Dagaalo ayaa laga soo abaabulayaa,Markaa ma diyaar ayaad u tihiin dagaalada inaad ka hortagtaan? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Ilaahay Waxaan ka baryeynaa,oo aanu Hadh iyo Habeen u Duceysanaynaa Inaan Cid danbe nagu kala dhiman,warar ayaanu u diraynaa Weftiyo ayaan u diraynaa oo waxaanu leenahay Waar tallow Colka jooja, xagayaga dagaal ka aloosan oo Ciidamo dagaalamaya oo markaa u diyaara midna ma jirto,Sidaan ku sheegay jaar Wanaagsan oo wada Baayac mushtareeya oo todobada Imaraadood oo kale waad aragtay sidaas oo kale ayaanu doonaynaa,ma rabno Dhiig danbe oo data, Soomaaliba waanu u duceynaynaa inuu Ilaahay kala qaboojiye, kuwan aanu Jaarka nahay [Puntland] ee aan weliba anigu [Fu’aad] tolka nahay si gaara ayaan ugu duceynayaa,anagana Somaliland nagu filan iyagana Putland ku filan Inaan Barwaaqadayada wada joogno oo aanu wax isku darsano ayaan doonaynaa”
Source Hadhwanaagnews




