CUQAASHA G/AWDAL OO MUSHAHARKOODII SADEX BILOODKA
UGU DEEQAY CIIDANKA QARANKA EE JIIDA HORE
(Updated:-(Sun.21.Oct.2007)
Boorama(Bnn)Cuqaasha G/awdal ayaa kulan ay shalay ku yeesheen xarunta maamulka gobolka kaga dhawaaqay inay ciidamada qaranka ee jiida hore ugu deeqeen sadex bilood oo mushaharkii ay qaadan lahaayeen si ay qayb uga noqoto taakulada iyo xoojinta saadka ciidamada qaranka ee ku hawlan difaaca dalka iyo hadii loo baahdo ciidamo lagu xoojiyo hawlgalka difaaca dalka.
Kulankan ay yeesheen cuqaashu waxa soo qaban qaabiyay maamulka G/awdal, waxaana madashaa goob joog ahaa badhasaabka gobolka Maxamuud Sh C/laahi iyo maayorka degmada Boorama C/raxmaan Shide iyo 70 caaqil oo ka mid ah 126 ka caaqil ee ka diiwaangashan wasaarada daakhiliga.
Badhasaabka oo kulanka u furay ayaa ku wargaliyay in dalku uu ku jiro difaac qaran oo lagu sugayo xuduudihii caalamiga ahaa ee soomaaliland gaar ahaan aaga bari oo ay haatanba ciidamadu gacanta ku dhigeen magaalada Laascaanood ee xarunta G/sool.
Waxaanu xusuusiyay sida ay lagama maarmaanka u tahay in bulshadu ka qayb qaadato gaashaana loo noqdo ciidamada qaranka ha ahaato ciidamo la diyaar gareeyo si hadii loo baahdo ay uga qayb galaan difaaca qaranka iyo taakulada kale ee ciidamada haatanba ku sugan.
Waxa kale oo badhasaabku sheegay in dadka reer Laascaanood ay awalba ahaayeen reer soomaaliland haatana loo baahan yahay in la soo dhaweeyo oo la is barbar taago maadaama aanay la,aan tood suuro gasheen in ciidamadu Laascaanood qabsadaan.
Maayorka Boorama Mr Shide oo isna halkaa ka hadlay ayaa tibaaxay inay ku gudo jiraan abaabul lagu muujinayo taageerada ciidamada qaranka oo cuqaasha ka sakow ay iyagana ku hawlan yihiin xidhiidho bulshada inteedii kale ah ha ahaato haweenka, ururada bulshada,ganacsatada iyo qaybaha kale ee Bulshadaba kuwaas oo iyana ka qayb qaadan doona taageerada iyo taakulada ay u baahan yihiin ciidamada qaranka ee jiida hore.
Chief Caaqil Ismaaciil Axmed Geelle oo isna halkaa ka hadlay ayaa soo jeediyay in cuqaashu mushaharkooda sadex biloodka ku taageeraan ciidamada qaranka lana diyaariyo ciidamo xoojin ah oo kayd ah si markii loo baahadaba ay u hawlgali karaan. Rayigaas oo ay dhamaan cuqaashii madasha ku sugnayd isku raaceen iyaga oo u balamay kulan kale oo ka dhici doona xaruntooda si ay uga hawlgalaan diyaarinta diyaarinta ciidan beeleed deegaanka ah oo hadii loo baahdo ka qayb qaata difaaca xuduudaha qaranka JSL
Cabdiraxmaan Maxamad Habane
Borama News Network
Borama



