15-Hoobiye oo caawa lagu garaacay Dekada Caalamiga ah ee Muqdisho
Beerdhiga 23.10.2007 19:12
Abaarihii 06:00 Makhribnimo ee caawa ayaa waxa 15 Hoobiye lagu garaacay Dekada Caalamiga ah ee Muqdisho, xili ay sii kordhayaan weerarada iyo qaraxyada lagu hayo ciidamada gumeysiga Itoobiya ee ku sugan caasimada Muqdisho.
Ilo xog ogaal ah oo ku dhadhaw xoogaga muqaawamada ayaa beerdhiga u xaqiijiyay in salaadii makhirib wax yar ka dib xiliga Muqdisho 15 Hoobiye lala beegsaday Dekada Caalamiga ah ee Muqdisho.
Lama sheegi karo illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay madaafiicdaasi sida tooska ah loogu garaacay dekada iyada oo ay jiri karaan khasaarooyin naf iyo maalba leh oo ka dhasha duqeyntaasi.
Illaa 5 hoobiye ayay qaar ka mid ah shaqaalaha dekada xaqiijiyeen in ay ku soo dhaceen gudaha dekada gaar ahaan dhufeys ay dagan yihiin ciidamada Uganda, agagaarka Masjidka dekedda iyada oo sidoo kalana ay qaarkood ku dhaceen goob ka ag dhow illinka hore ee dekedda oo ay deganyihiin ciidamada waardiyaha ka ah dekada.
Waa markii koowaad oo Bishan Gudaheeda lala beegsado Madaafiicda Hoobiyayaasha Dekada Caalamiga ah ee Muqdisho xili dhinaca kale weerarada iyo qaraxyada lala beegsanayo ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa DFKMG ah sii kordhayaan.
Ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa DFKMG ah ayaa la kulma weeraro iyo qaraxyo kala duwan oo lagula beegsado fariisimahooda kala duwan ee ay ka deganyihiin magaalada Muqdisho.



