^^^I am ready with the first $ 200 bucks to CIIDANKA QARANKA until my next pay check.
But I don't want to deposit into your account, you have to earn my trust saaxib.
--------
Breaking news:
Mr. Nur from the U.S has stepped forward in organizing this..
Everyone in the U.S should call him, Brother Liqaaye I would really appriciate if you did the same in the UK, pleas brother. You don't have to pay anything yourself, just make the effort in organizing and making phone calls.
"Qurba joogaa Somaliland oo Gabay kaalintoodii "
--------------------------------------------------------------------------------
(Qurba joogaa Somaliland oo Gabay kaalintoodii)
hadhwanaag 2007-10-24 (Hadhwanaagnews) Qurba joogaa Somaliland oo Gabay kaalintoodii Horaantii todobaadkii hore ayaa ahayd maalmo ka mida kuwii ugu muhiimsanaa tarriikhda dadka Somaliland, ka dib markii uu Madaxwanaha JSL iyo Xukuumadiisu ay gaadheen go’aan ay doonayaan inay kaga sifeeyaan wadankeena maleeshiyada majeerteeniya. Tallooyinkan wax ku oolka ahi markay ka soo baxeen madaxda sar-sare ee xukuumada ayaa waxaa iyaguna si geesinimo leh u fuliyay Ciidanka qalabka sida ee JSL.
Hambalyo Ciidamada Qalabka sida ee JSL: Waxay ay ciidamadu ka soo baxeen waajibaadkoodii ka saarnaa difaaca dallka iyo dadka Somaliland, waxaanay cashar lama illaawaana u dhigeen Maleeshiyadii Majeerteeniya oo ay ka sifeeyeen magaalada Laascoonood iyo dhammaanba gobolka Sool.
Mahadnaq Warbaahinta Somaliland: Oo iyaguna si xilkasnimo iyo wadanimo ku dheehantay inoogu soo gudbinaayay wararka dagaalka iyo xaaladaha dadka reer Sool oo ay inagu adkaan lahayd inaynu wax ka ogaano iyaga la’aantood. Waxaa iyaguna si ay ku jirto qiiro iyo wadaniyad u taageeray go’aanka Madaxwaynaha iyo tallaaba Ciidanka qaran ay qaadeen dadka reer Somaliland meelkastoo ay joogaanba.
Xisbiyada ayaa iyaguna si hagar la’aana u taageeray tallaabadan, gaar ahaan Xisbiga UCID. Xisbiga UCID ayaan la daahin inay muujiyaan taageeradooda ay u hayaan Ciidamada qalabka sida iyo dawlada Somaliland, waxay soo jeediyeen inaan loo kala hadhin arrintan.
Gudoomiyaha Xisbiga UCID ayaa marar badan ku cel-celiyay inay dadka qorbaha joogaa soo taageeraan Ciidamada iyo dadka reer Sool labadaba.
Si kastaba ha ahaatee, haddii aynu nahay dadka Somaliland ee qornabaha joogaa waxaynu warbaahinta kala soconaa wararka dagaalada iyo sida ay u socdaan. Marka laga reebo inaynu aad u soo dhawaynay, muujinayna muhiimada ay arrintani leeday. Laakiin waxaa laynooga fadhiyaa inaynu ka ciyaarno door ka muhiimsan kan taageerada ah. Maah-maah Soomaaliyeed ayaa tidhaa “meel hoo u baahan, hadal waxba kama taro” Waxaa laynooga baahan ayahay tageero hiil iyo hooba ah.
Waxaan hadaba rabaa inaan iminka bilaabo hadaan ahay (Nuur Afdinle) olale ballaadhan oo aan ku ururinayno dhaqaale, gaar ahaan North America si aan u fulino baaqa ka soo baxaaya Dawlada iyo Xisbiyada Qarankaba.
Xukuumada iyo Xisbiyada qaranka waxaan ka codsanaynaa in ay noo soo sheegaan oo waliba ay saxaafada ka sheegaan cida lagu soo hagaajin karo haddii dadka qurbaha joogaa ay taageero dhaqaale ah keenaan.
"Waxaan jeclaan lahaa inuu qof-kastoo arrintan danaynyaa igala soo xidhiidho cinwaanka hoos ku qoran.
Name: Nuur Afdiinle"
***CALL HIM PLEASE STAT****
e-mail:
afdinle03@yahoo.comPhone#: 1-207-755-1114
***************************************************************
Hadhwanaag marnaba kama masuul aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmaddeeda iyo xilkeedaba sida. Waxa keliya oo ay Hadhwanaag Media dhiirri gelinaysaa waa isdhaafsiga aragtida, canaanta gacal iyo talo wadaagga