2 isaaq soldiers oo laascaanod lau dilay maanta
Iska Hor Imaadyadii Saaka Ku Dhexmaray Shacabka Deegaanka Iyo Maamulka Dirta Waqooyi Oo Ay Weheliyaan Midiidinka U Adeegaya Oo Dad Ku Dhinteen
Oct 25, 2007 By:Cali Faarax
Laascaanood (Jidbaale.com):- Saaka subaxnimadii iska hor imaadyadii dhex maray shacab weynaha Magaalada Laascaanood iyo Huwantii ka soo duushay Hargeysa, waxaa la soo xaqiiyey inay docda maamulka Hargeysa kaga dhinteen laba nin oo u dhashay Isaaq, halka ay iyagu dhaawaceen afar nin oo ka soo jeeda beesha Dhulbahante.
Waxaa kaloo la soo cadseeyey inay magaalada ka kaxaysteen dad tiradoodu gaadhayso ilaa 150 qof, waxaana ka mid ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanay magaalada Laascaanood magaciisana la odhan jirey Cabdi Cawke waxaana loo dhaadhiciyey Xabsi ku yaalla magaalada Burco.
Afarta nin ee Dhulbahantaha ah, ee dhaawacuna soo gaadhay mid ka mid ah waxay maamulka Hargeysa ka toogteen Xiniinyaha, waxaana la soo xaqiijiyey inay Xiniinyuhu go’ay.
Cali Faarax
Laascaanood
www.jidbaale.com" subxaanalaa, xiniin yaha laga toogtay. can u imagine how pain full that must be