Postby DawladSade » Fri Oct 26, 2007 10:59 am
Yes I see Xaabsade i.diot, it is why he realized now his mistake since Dhulbahante will never accept Iddoor control or leave Somalia, he is saying now we need INDEPENDENT dhulbahante maamul, noo somialiland and no puntland too late mothafukk he burned all his cards!!
Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cabdi Xaabsade oo ku sugan degmada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegay in maamul loo sameynayo gobolka, uu ka madax bannaan doono maamullada Somaliland iyo Puntland.
Xaabsade ayaa sheegay in isagu yahay taageere Somaliland, balse maamulka ay sameynayaan uusan hoos tagayn Somaliland iyo Puntland.
Hadalka Xabsade, ayaa kusoo beegmay iyadoo rabshado ay ka dhaceen Laascaanood saakay, kuwaas oo ay ku dhinteen laba qof oo mid ka mid ah uu yahay booliiska Somaliland, waxayna rabashaduhu ahaayeen kuwo billowday markii gawaari dagaal oo laga leeyahay Somaliland ay damceen inay xoog ku dhex maraan gudaha magaalada.
Shacabka magalada ayaa qarkood waxay ababuleen weerarro ka dhan ah ciidammada Somaliland oo xoog ku qasaday dhawaan degmada, iyadoo weerarka uu yahay kan sababay dhimashada laba qof.
Ilo wareedyo ku sugan Laascaanood, ayaa waxay sheegeen in iska horimaadkaan uu ahaa mid xooggan, isla markana sababay in magaalada xaaladdeedu kacdo, waxaana goobjoogayaashu sheegeen inay ciidammada Somaliland billaabeen inay burburiyaan goobaha ganacsi ee xiran, balse taas laga hortagay mar kale.