Postby Hiiraan boy » Sat Oct 27, 2007 4:36 pm
Xaalada Magaalada marka oo Caawa degan kadib dagaal lagu dilay sarkaal Ciidan oo Maanta ka dhacay. 27 Oct 2007
Posted to the Web 27 Oct 07, 20:28
waxaa Caawa degan xaalada magaalada Marka ee xarunta gobalka sh/hoose kadib markii maanta ay ka dheceen dagaalo qaraar oo u dhexeeyay Ciidamada Maamulka gobalka Sh/hoose iyo Maleeshiya beeleedyo hubaysan oo ku kacsan maamulk gobalka sh/hoose.
dagaalkii Maanta ka dhacay gudaha magaalada Marka ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 3-qof oo uu kujiro sarkaal sare oo katirsan Ciidamada Nabad gelyada Maamulka gobalka Sh/hoose.
sarkaalkan geeriyooday ayaa lagu magacaabaa Xuseen Jareer oo Maydkiiisa Maanta laga helay afaafka hore ee Saldhiga Booliska Marka , sidookale waxaa Isbitaalka Magaalada Marka la dhigay dhaawacyo kaladuwan oo ku dhaawacmay dagaalkii Magaalada ka dhacay maanta.
Maleeshiyada Beesga Biyamaal ayaa sheegatay in ay ka dambaysay Weerarkii lagu qaaday Ciidamada maamulka gobalka sh/hoose sida uu Saxaafadda u sheegay Sarkaal katirsan beeshaasii isagoona sheegtay in dagaalkii Maanta ay guulo ka gareen sida uu hadalka u dhigay.
waxaa lagu soo waramayaa in Caaw ay xaaladu degantahay, dhinacyadii dagalamayna ay iskula bexeen banaanka magaalada gaar ahaan halka loo yaqaan Buufoow Bacaad iyo dacaaraha oo ah dhul kayn ah.