Postby Hiiraan boy » Sun Oct 28, 2007 11:53 am
Ciiddamo ka tirsan Maamulka Puntland oo dagaal rogaal-celis ah ugu sii jeeda magaalladda Laas Caanood ee Gobalka Sool
Muqdisho Axad , October 28 2007 SMC
Wararka ka imaanayo magaallo-madaxda Maamul-gobaleedka Puntland ee Garowe, ayaa waxay ishaarayaan inay ku dhawaad 7,000-Askari ay xalay ka ruqaansadeen magaalladdaasi, iyagoo wata noocyadda hubka kala duwan.
Ciiddamadaasi ayaa la sheegay inay u jiheysteen Aagga Dagaalka ee duleedka magaalladda Laas Caanood ee Gobalka Sool, halkaasi oo ay Ciiddamadda Maamulka Somaliland kala wareegeen dagaalladdii dhacay bishii la soo dhaafay.
Ambabaxa Ciiddamadaasi, ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay muddooyinkan dambe ay abaabul-dagaal iyo hub-urursi xooggan ka socda Goballadda Puntland, si ay mar kale guluf-colaadeed ugu qaadaan Laas caanood, oo ay ku doonayaan inay ku soo ceshtaan gacan-ku-haynteeda.
Sida uu ku soo waramay Weriyeheenna Iidle Macallim, waxa uu ka soo xigtay Saraakiisha Milliteriga Puntland inay doonayaan inay maalmaha soo socda gudaha u galaan magaalladdaasi, isla markaana ay cagta marin doonaan dhufeysyadda Milliteriga Maamulka Somaliland.
Dhinaca kale, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha Maamulka Puntland, Jeneral Cadde Muuse iyo Ku-xigeenkiisa, Sasan Daahir Af-qurrac socdaal kormeer ah caawa ugu ambabixi doonaan Jiidda hore ee dagaalka, si ay Ciiddamadda Puntland u dhiirigeliyaan.
Wararka kale ee ka imaanayo magaalladda Laas Caanood ayaa waxay sheegayaan inay magaalladdu deggan tahay, isla markaana ay shiiqeen Kacdoonaddii lagala soo horjeeday Milliteriga Maamulka Somaliland ee gacanta ku haya.