IYO ISAGGO KA SOO NOQDAY SAME DAY
TUTIHI BUU SOO BADALANAYA MID MADOW BUU SOO XIIDHANYA
HE IS TRYNG TO SCARE THE IIDOORS
Gen. Cadde Muuse Oo Jiida Hore Kasoo Noqday Shirar Dhaa Dheerna Layeeshay Saraak
(Laascaanood}29.10-7
Gen. Cadde Muuse iyo saraakiisha hol galinaysa ciidamada ku sugan jiida hore ee Tukaraq ayaa waxaa ay kulan ay albaabadu u xidhan yihiin isla markaana socday wakhti dheer waxa ay ku qaateen xarunta maamul goboleedka Puntland ee Garoowe.
Kulanka aya ahaa mid aad uga duwan kuwii hore ee dhex mari jiray saraakiisha ciidamda iyo Gen. Cadde Muuse iyada oo is aragoodu uu ku salaysnaa sidii ay saraakiishu u soo gudbin lahaayeen waxyaabaha ka dhiman ciidamada iyo soo qiimaynta xaalada kale.
Intii uu socday kulanka ayaa waxaa jirtay in xoogaa khilaaf uu ka jiray sida ay wax u soo bandhigeen saraakiisha iyo sida u Gen. Cadde Muuse wax u doonayay taasi o dhalisay in kulanku dheeraado isla markaana u noqdo mid aan waxba laysku reeban waxaana ay saraakiishu ku doodeen in maamulka Gen. cadde uu yahay mid ka gaabiyay difaaca gobalka sool eedaasna aysan iyagu lahayn ee ay u taalo madaxda kale ee maamulka.
Warar hoose ayaa sheegaya in Gen. Cadde muuse uu ku dooday in sababta uu ugu soo baxay laascaanood ay tahay sidii loo ilaalin lahaa nabad galyada shacabka isla markaana loo yarayn lahaa khasaaraha soo gaadhaya deegaanka balse uusan uga soo bixin laascaaood itaal daro darteed.
Gen. Cadde ayaa u muuqday mid dhankiisa aysan waxba ka dhul oolin waxaana uu kulanka ka sheegay in diyaar garoowgii ay wadeen maamulkiisu uu soo gaba gaboobay ayna tahay in loo istaago sidii laysaga dhicin lahaa dadka qaran diidka ah ee ku soo duulay maamulka Puntland ee kaashanaya kooxo lagu soo taba baray Asmara oo ay ka mid yihiin ciidamada maxkamadaha iyo kuwo kale oo aan soomali ahayn waa sida uu hadalka Gen. cadde u dhigaye.
Dhanka kale kulankan ayaa ku soo beegmaya xili ay abaabul xoogan wadaan 3 gole o uu Gen Cadde Muuse u kala magacaabay xaalada colaadeed ,
sidoo kale waxa uu ku soo beegmayaa xili ay soo af jarmeen kulamadii xidhiidhka ahaa ee u dhex marayay xubnaha wasiirada ee maamulka puntland iyo Gen. Cadde Muuse kuwaas oo isku racay in ay ku waajib tahay in ay is difacaan isla markaana ay tahay midnimada iyo wada jirka dhulka iyo shacabka Puntland mid muqadas ah.
waxaan jrin illaa iyo hadda wax muuqda oo ababul ah oo ay wadaan wax garadka ka soo kala jeeda labada dhinac si wada hadal loogu xaliya xur gufta ka dhex taagan Puntland iyo Somalilad kuwaas oo u muuqda in ay ka dhur sugayaan sida ay wax ku dambeeyaan .
Isku soo wada duuboo kulankan ayaa sida muuqata waxa uu ka qeyb yahay diyaar garoowga u wado maamul goboleedka Puntland
sidoo kale waxaa Magaalada Boosaaso lagu dhex arkayaa gawaadhida market 2 ah oo ay saaran yihiin cod baahiyayaal kuwaas oo ku dhawaagaya erayo guubaabo ah iyada oo gawaadhidaa ay saaran yihiin haween