GUUL IYO GOBANIMO
Beelaha Xawaadle iyo Murusade oo ku shiraya Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan
Beelaha Xawaadle iyo Murusade ayaa maanta waxaa uga bilaabmaya Degmada Maxaas shirkoodii Sedaxaad oo lagu dhameynayo dagaalo muddo ka jiray inta u dhaxeysa degmooyinka Maxaas iyo Ceelbuur oo ka kala tirsan Gobolada Hiiraan iyo G/Gaduud.
Shirkani ayaa dabasocda shirar horay uga dhacay degmada Ceelbuur iyo tuulada Moqokori, oo ka mid ah deegaanada laba beelood ee Murusade iyo Xawaadle.
Eyadoo horay leysku afgartay dhameynta colaadani lagana wada hadlay sidii loo xalin lahaa isla markaana colaad dambe aysan uga dhici laheyn Beelahan walaalaha ah ee wada daaqa iyo deegaanka wixii hada kadib yimaadana laguxalayo ama lawaafijiyo shareecada Islaamka.
Shirkani oo ay wadaan Ugaasyada beelaha Xaadle, Murusade, Duduble iyo ugaaska beesha Ceyr ayeysan jirin wax siyaasiyiin ah oo ka qeyb qaadanaya xalinta colaadani.
Gogoshane ayaa socon doonto ugu yaraan labo maalmood iyadoo lagayaabo in la kordhiyo waqtiga uu soconayo shirkani lana rajeynayo iney noqoto midii lagu afjari lahaa colaadahan soo noq noqtay.
Wararka ka imaanaya shirka ayaa tilmaamaya iney Ugaasyada Beelahaasi soo saari doonaan baaqnabadeed oo ku wajahan ummada Soomaaliyeed oo dhan iyo go,aano muhiim u,ah goboladani.
Waxaa muuqata in Ugaasyada iyo Oday dhaqameedyada beelaha Soomaaliyeed ay u tafa xayteen sidii ay u xalin lahaayeen khilaafaadka soo kala dhex gala beelaha Soomaaliyeed ee deegaanka iyo daaqa wadaaga.




