Dibedbax rabshado wata oo maanta ka dhacay Laascaanood xilli magaaladaasi uu socdaal ku yimid madaxweyne ku-xigeenka Somaliland
Banaanbaxyo rabshado wata oo ay sameynayaan qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool taageersana maamulkii horey halkaasi uga talin jiray ee Puntland ayaa maaanta hareeyey bartamaha magaaladaasi, sida ay soo sheegayaan weriyeyaal ku sugan magaaladaasi oo aanu xiriiro kala duwan la sameynay.
Dadkan banaanbaxayey oo u badnaa haween iyo dhalinyaro ayaa socod ku soo maray qaar bkla mid ah wadooyinka waaaweyn ee magaalada Laascaanood, kuwaasoo qaarkood ay ku gooyeen dhagxaan waawaeyn iyio waxyaanbo kale oo caqabad ku ah socodka gaadiidka, waxaana sidoo kale dadka ay tuuryeynayeen ciidamada taabacsan Somaliland goobaha ay kaga sugan yihiin gudaha magaaladaasi, iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ay kaga soo horjeedeen la wareegida ay Somailand la wareegtay magaalada Laascaanood.
Banaannbaxan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey ka gadaal markii magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay booqasho ku yimaadeen wufuud ka socota maamulka Somaliland oo uu ka mid yahay madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi Axmed Yuusuf Yaasiin iyo xubno kale, kuwasaoo la sheegay in saaka ay soo gaareen magaaladaasi lana dejiyey hotelka Xamdi ee ku yaala magaalada Laascaanood.




