Last Updated Fri, Nov. 02 2007 11:00 am-Mogadishu Somalia
Mogadishu 02, Nov. 07 ( Sh.M.Network)- Labo ruux oo mid Ethiopian uu yahay ayaa ku geeriyootay tiro kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray oo u badan dad rayid ah Iska horimaad culus oo wali ka soconaya qeybo ka mid ah xaafadaha ku teedsan wadada 30 ka ee magaalada Muqdisho, iyadoo iska horimaadkaan uu u dhaxeeyo ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda.
Israsaaseyntaan oo bilaabatay saakay abaaro 9:30 kii subaxnimo ayaa waxa ay timid ka dib markii ciidamada Ethiopia ee fariisinka ku leh wasaaradii hore ee G/dhigga ay ku soo faafeen xaafadaha, Shirkole, Black Sea iyo Baar Ubax, halkaasi oo ay ka bilaabeen howl-gallo, waxaana iska caabin xoogan ay kaga imaaneysay kooxaha ka soo horjeeda.
Sida ay ku warameen dadka deegaanka, Askari Ethiopian ah ayaa ku geeriyooday agagaarka Xaafadda Salaam, halka qof kale oo rayid ah uu isna ku geeriyooday isla goobtaasi ka dib markii ay haleeshay rasaas haboow ah.
Tiro ku dhow 6 ruux oo u badan dad ay haleeshay rasaas wiifto ah ayaa ku geeriyooday iska horimaadkaan oo ku fiday qeybo ka mid ah wadada warshadaha.
" Waxaanu maqleynaa rasaas xoogan iyo qaraxyo aan kala joogsi laheyn, waxaana bogga ku heynaa dhulka, mana sheegi karno sida ay wax u dhacayaan" ayay tiri Xabiibo Xasan oo ka mid ah dadka deegaanka Salaama ee Black Sea oo Shabelle u warantay.
Sidoo kale iska horimaadyo culus ayaa waxa ay ka dhaceen xaafadaha ku teedsan wadada warshadaha, halkaasi oo ay isaga horyimaadeen ciidamada Ethiopia iyo xoogagga ka soo horjeeda, iyadoo la soo sheegayo qasaaro soo gaaray ciidamada Ethiopia oo wali si rasmi ah aan loo xaqiijin karin.
Isku socodka gaadiidka isticmaala wadada 30 ka ayaa istaagay gabi-ahaan iska horimaad culus oo wali ka soconaya owgeed.
Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe ama Shabelle.net
© 2005 Shabelle Media Network All Rights Reserved, Designed by: Baabul




