
8 Itoobiyaan ah oo maanta ku dhintay iska hor imaadyo ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Beerdhiga 02.11.2007 14:13
Dagaalo qaraar oo saaka qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ka dhacay oo u dhexeeyay Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed iyo ciidamadama gumeysiga Itoobiya ayaa la sheegayaa in khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka soo gaaray ciidanka Itoobiya.
Ciimadamo badan oo ka mid ah kuwa gumeysiga Itoobiya ayaa saaka baaritaano ka bilaabay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, kuwaas oo si raxan raxan ah u dhex marayey xaafadaha dhexdooda.
Ciidamadan oo hubka yar yar noocyadiisa kala duwan ku hubeysnaa ayaa bilaabay in ay gudaha u galaan xaafadaha Gubta, Shirkole, Black Sea iyo Baar Ubax, iyaga oo isku baahiyay markii danbe jid cadda-yaasha dhex mara xaafadaha dhexdooda.
Wax yar ka dib intii ayna baaritaanada bilaabin ciidankii Itoobiyaanka ahaa ee saaka soo galaay xaafadahaas waxa ay la kulmeen qaraxyo iyo rasaas daba socda oo si toos ah iyaga loola beegsanayo.
Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed oo iyaguna hubka yar yar noocyadiisa kala duwan adeegsanaya ayaa iska hor’imaad xoogan kala hor yimid ciidankii Itoobiyaanka ahaa ee saaka baaritaanada ka bilaabay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Ciidamo ka tirsan kuwa gumeysiga Itoobiya ee fariisinka ku leh xaruntii hore ee gaashaandhiga ee saaka ku soo faafay qeybo ka mid ah jidka sodonka iyo warshadaha ayaa la sheegayaa in iska hor imaadkii ay la galeen Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed halkaa looga dilay ciidanka gumeysiga Itoobiya ilaa 4 askari iyo tiro kale oo dhaawac ah oo aan ilaa iyo hadda si rasmi ah loo ogeyn inta ay leegyihiin.
Sidoo kale waxa ay noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ahi in halkaa lagu arkayey qeybo ka mid ah maskax iyo dhiig fara badan oo ku daatay halkii dagaaladu ka dhaceen.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku soo faafay qeybo ka mid ah jidka Sodonka iyo Warshadaha ee ka soo baxay xaruntii hore ee Gaashaandhiga, in ay dib ugu carareen fariisimadooda ka dib iska hor’imaad xoogan oo ay kala kulmeen Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed.
Dhanka kale iska hor imaad isna ka dhacay xaafada Gubta oo ka mid ah xaafadihii saaka ay ku faafeen ciidamada gumeysiga Itoobiya ee fariisinka ku leh Stadium Muqdisho ayaa wararku waxa ay sheegayaan in halkaa looga dilay ilaa 3 askari oo markii danbena dad shacab ah oo careysan u soo qaadeen dhinaca isgoyska Baar Ubax oo meydkooda ku jiid jidayeen halkaas.
Sidoo kale iska hor’imaad isna ka dhacay Isgoyska Miisaanka Dhuxusha ee xaafada Towfiiq wararka naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in halkaa looga dilay ciidamada gumeysiga Itoobiya hal askari laba kalena looga dhaawacay.oo wali yaala, qaadan la’yihiina.
Iska hor’imaadyadii Maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa khasaarooyin naf iyo maalba leh waxa ay ka soo gaareen ciidamada gumeysiga Itoobiya oo saaka bilaabay in baaritaano ka sameeyaan xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, iska hor’imaadyadan oo ku soo aaday weerar xoogan oo xalay Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed ku qaadeen fariisin ay ku leeyihiin ciidanka gumeysiga Itoobiya duleedka Bari ee magaalada Muqdisho.
Laga soo bilaabo bishii Ramadaan ee tagtey waxaa sii badanaya khasaarooyinka isugu jira naf iyo maal ee ka soo gaaraya ciidanka gumeysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ee dowlada KMG ah, weerarada sida tooska ah ay ula beegsanayaan Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed fariisimada ay ku leeyihiin gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho.
www.Beerdhiga.com





