7 ruux oo ku geeriyootay dibad baxyo rabshado wata oo ka dhacay deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag.
Sool Iyo Sanaag , Sabti, 03 November - 2007 [Radio Simba]
Illaa iyo Todobo ruux ayaa ku geeriyootay, dibab baxyo rabshado wata oo maalintii labaad ka dhacay deegaanada ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag.
Dibad baxyadan ayaa maanta waxay ka dhaceen meelo fara badan oo ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag, sida magaalooyinka Buuhoodle iyo Laascaanood, kuwaasoo sababay in ay ka dhashaan qasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira.
Maamulka ayaa ka gaabsaday in uu faah faahino ka bixiyo arrimahan, hasa ahaatee wararku ayaa waxaa ay tilmaamayaan in qasaraha nafeed uu gaarayo illaa todobo ruux, iyo tiro kale oo dhaawac ah.
Dibad baxyada ayaa waxaa ay salka ku hayaan dagaaladii dhowaan ka dhacay magaalada Laascaanood.




