Postby Hiiraan boy » Sat Nov 03, 2007 12:29 pm
Baabuur Uraal oo maanta lagu gubay meel 15km u jirta magaalada Luuq ee gobolka Gedo.
Beerdhiga 03.11.2007 20:05
Duhurnimadii maanta waxaa Qarax Miino lala beegsaday baabuur Uraal ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa gumeysiga Itoobiya oo marayey meel 15km u jirta magaalada Luuq oo la yiraahdo Gumarre ee gobolka Gedo.
Baaburkan Uraal ka ah ayaa gebi ahaanba gubtay, kaas oo ay saarnaayeen ciidamo badan oo Itoobiyaan ah, halkaasna uu ka soo gaaray khasaarooyin badan oo Naf iyo Maalba leh.
Goob jooge ku sugnaa halka Qaraxu ka dhaxay ayaa Beerdhiga u xaqiijiyey in uu qaraxu ka dhacay Silsilada Buuraleyda Kureed dhinaceeda hoose ee Bari, burburkii baaburkuna uu kala gaaray 200m oo isku weer ah.
Weerarkan maanta duhurnimadii lala beegsaday gaarigan Uraal ka ah ayaa ku soo aadaya xilli xaley qaraxyo xoogan lagu qaaday Hodhel ku yaala magaalada Doolow Itoobiya, kaas oo xilliga weerarka lala beesanayey ay ku sugnaayeen Saraakiil iyo Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa gumeysiga Itoobiya.
Sidoo kale weerarkan ayaa ku soo aadaya, ka dib markii Xaley gelinkii danbe lagu gubay baabuur Uraal ah, oo ay saarnaayeen ciidamo iyo saanad kala duwan meel u dhow magaalada Walaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose.
Weerarada iyo qaraxyada lala beegsanayo ciidamada gumeysiga Itoobiya ee ku sugan xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo kuwa ku sugan gudaha Itoobiya ee uu ka soo gaarayo khasaarooyin badan oo Naf iyo Maalba leh, ayaa ku soo aadaya xilli ciidamo badan oo ka tirsan kuwa gumeysiga Itoobiya ay ku soo qul qulayaan gudaha wadanka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamo badan oo Itoobiyaan ah.
Sidoo kale waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay maalmihii ugu danbeeyay iska hor’imaadyo ka fool ka fool ah oo u dhexeeyay Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed iyo ciidanka gumeysiga Itoobiya, iska hor’imaad yadan oo khasaarooyin badan ka soo gaareen ciidanka gumeysiga Itoobiya.