Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Ethiopian Convoy headed to Xamar bombed in Shabeelaha Hoose.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Alchemist
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6857
Joined: Tue Sep 04, 2007 9:52 pm
Location: DPJUGFDRTG

Ethiopian Convoy headed to Xamar bombed in Shabeelaha Hoose.

Postby Alchemist » Mon Nov 05, 2007 5:21 am

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Muqdisho ku sii jeeday oo qarax lala beegsaday

Isniin, November 05, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid dhinaca Magaalada Baydhabo isla markaana ku sii jeeday dhinaca Magaalada Muqdisho ayaa waxaa qarax miino lagula beegsaday Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.



Qaraxa lala beegsaday Ciidamadan oo loo adeegsaday Miinada nooca meelaha fog laga hago ayaa waxaa la sheegay in ay dhibaato ka soo gaartay Ciidamadii ku socday dhinaca Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo markii uu qaraxa haleelay kadib hakiyay socodkooda in muddo ahna ku sugnaa halkii lagu qarxiyay.



Rasaas ay qaraxa kadib fureen Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegay in ay ku dhinteen labo ruux oo rayid ah, kuwaasi oo u sii dheelmanayay Beero ay ku leeyihiin nawaaxiga halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana geerida labadaas ruux xaqiijiyay mid ka mid ah Dadka degan Degmada Wanlaweyn oo isagu arkay labada ruux ee ay Ciidamada Itoobiyaanku dileen.



Qaraxaas lala beegsaday Ciidamada Itoobiyaanka ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay Dadka degan Degmada Wanla-weyn, gaar ahaan kuwa Beeraleyda ah oo saaka aysan u suurtagelin in ay beerahooda qotaan iyo weliba gaadiidkii isaga kala gooshi jiray Magaalooyinka Wanla-weyn, Afgooye iyo Xamar, kuwaasi oo ay Ciidamada Itoobiyaanka diideen in ay dhaqdhaqaaqaan.



Sabtidii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeday Magaalada Muqdisho lagu qarxiyay inta u dhaxeysa Degmada Wanla-weyn iyo Deegaanka Balli-doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo iyana aan la xaqiijin khasaarihii weerarkaas ka soo gaaray.



Qaraxan lala beegsaday Ciidamada Itoobiyaanka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay weerar madaafiic loo adeegsaday lagu qaaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh Xarunta Warshaddii Baastada ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dadka deegaankaas ku dhaqanna ay xaqiijiyeen in madaafiic gaareysay 15 madfac gudaha loo geliyay xerada ay Ciidamadaas ku sugan yihiin.



Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo qulqulaya Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah iyadoo ay horay u sii joogeen kuwo kale oo tiro badan, waxaana ilaa iyo haatan la is-weydiinayaa sababta ay Dowladda Itoobiya Ciidamada tirada badan ugu direyso Soomaaliya iyadoo aaney jirin wax ay Soomaaliya ka qabteen Ciidamo ay horay u geysay.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Alchemist
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6857
Joined: Tue Sep 04, 2007 9:52 pm
Location: DPJUGFDRTG

Re: Ethiopian Convoy headed to Xamar bombed in Shabeelaha Hoose.

Postby Alchemist » Mon Nov 05, 2007 5:21 am

Allah akbur Cool

User avatar
galia
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8785
Joined: Tue Mar 15, 2005 6:32 am
Location: 46464
Contact:

Re: Ethiopian Convoy headed to Xamar bombed in Shabeelaha Hoose.

Postby galia » Mon Nov 05, 2007 5:34 am

Cool Cool Cool Cool


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 80 guests