Masuulkii ugu horeyey oo Carab ah sheegay in dalka Soomaaliya gumeysi ku jiro kuna baaqay
Qadar
Madaxii ugu horeyey oo Carab ayaa ku dhawaaqay eray macnaleh oo aan maalmahaan looga baran madaxda Carabta kasoo sheegay in Soomaaliya ay xiligaan ku jirta Gumeysai loogana baahan yahay in wadamada Carabta ay garab istagaan walalahood Soomaaliyeed isagoona ku baaqay in deg deg looga bixiya ciidamada xooga ku heysta Soomaaliya ,
Amiirka dalka Qatar, Sheekh Xamad Bin Khaliifa Al-thaani, ayaa maanta mar uu saxaafada gudaha dibada la hadlaayey ka shanqariyey markii ugu horeysay in Soomaliya laheysto loona baahanyahay in caalamka wax ka qabta masiibada Biniaadinimo ee ka jirta dalka Soomaaliya isagoona sheegay in maalin waliba la xasuuqo shacab Soomalaiyeed ,wadan xur ah oo calankiisa ka taagan yahay Qaramada Midoobay xiligaa xoog lagu heysta waxuu yiri waa mid ka hor imaaneysa sharciga caalamiga .
Hadalka kasoo yeeray Amiirka dalka Qatar, Sheekh Xamad Bin Khaliifa Al-thaani,ayaa ah mid ay soo dhaweyeen shacabka Gumeysidiidka Soomaaliyeed halka hadalkaana ay aad uganaxayaan dadka dabadhilifka u ah Gumeysiga xooga kuheysta Soomaaliya ee Itoobiya waxaa la hubaa waligii in uu jiray Gumeysi kal kaal iyadoona la xasuusan karo xiligii xuriyada loo diriraayey ay jiraan dad badan oo midabka Soomaali ah qalibigana ka ahaa Gumeystayaashii xiligaa heystay Soomaaliya waa Ingariiska iyo Talyaaninga
Xafiiska wararka ee Muqdisho, Soomaliya
dayniilecom@hotmail.com Enter your search terms Submit search form
http://www.dayniile.com/Nofenbar/6nofenbar8.htmKu noqo beejka
Copyright © 2007 Dayniile.com All Rights Reserved
Contact Us at:
dayniilecom@hotmail.com