Ciidamada Isaaqa Oo Waxay Tignigo Ku Hayeen Gobolka Saaka Isugu Keenay Saaka Isugu Keenay , Ka Dib Markii Ay Ogaadeen Cadde Iyo Afqudhac Barkinta Dheeraysten
Nov 07, 2007 By:
Laascaanood(jidbaale.com):-Malayshiyada beelaha Isaaqa ayaa saaka waxay tikniko ku hayeen gobolka Sool waxa ay isugu keeneen gudaha magaalada Laascaanood iyaga oo adeegsanaya tiknigada loo yaqaano beebeeyaal iyo kuwo kale, ka dib markii ay ka war heleen in Cadde Muuse iyo Xasan Daahir Afqudhac barkinta dheeraysteen, Guutada koowaadna ay noqotay dhalinyaro iyo Haween
Saaka waabarigii ayaa magaaladu axay noqotay suryo iyo gaadhi tikniko ah, waxayna rasaas ku asqeeyeen dhalinyarada guutada koowaad oo iyagu heegan u ahaa in ay iska horyimaadaan malayshiyada beelaha Isaaqa, waxayna rasaas la beegsadeen laba wiil oo iyagu ka tirsan guutooyinka koowaad , wiil aan magaciisa helay ayaa naloo sheegay in la yidhaahdo ina jaamac guray ,halkaas oo ay labadoodiiba la haleelen rasaasta ku shahiideen.
Dhaawaca ayaa tiro beelay iyada oo cisbitaalka Laascaanood la geeyey dhaawac aad u tiro badan, magaalada ayaa kacsan, waxaana ay marayaan wadooyinka iyaga oo hubaysan, guutada koowaad ayaa wali ka wada gudaha magaalada dhaqdhaqaaq iyada oo ay shacabku aad uga soo horjeedaan malayshiyada beelaha isaaqa.
Talaaban ay qaadeen Isaaqa iyo xubnaa la socdaa ayaa waxa ay kadanbaysay markii ay ka war heleen in aan dhinaca puntland dhaqdhaqaaq wax ku ool ahi ka socon oo uu hadheeyey far isku fiiq iyo jaahwareer.
kadib markii wax dhaqaaqa ah laga waayey ciidamada iyo madaxda sare ee puntland ayay mlaeesiyaadka dirta hargeysa u adeegsadeen tiknikadoodii inay cagta ku dilaan shacabkii xalaasha ahaa ee magaalada Laascaanood ku sugnaa
wararka jidbaale ka helaayo aagaga hore ee labada ciidan udhexeeyey ayaa naloo xaqiijiyey saaka inaan wax gaadiid dagaal ah oo laascaanood debadda ama dhinaca garoowe ka xigaa aanay jirin
gebi ahaanba hubkii ay wateen dirta waqooyi ay geliyeen gudaha magaalada iyagoo u adeegsanaaya shacabka xalaasha ah.
Dhiiranaanta ayay ku gaadheen qolada dirta iyo midiidnkoodu kadib markii tan iyo intii Laascaanood ay dhinaca garoowe u dhaafeen maleesiyaadkoodu inaan qolada reer puntland wax qashir ah ku soo dirin taas oo la odhan karo waa wax aan marna la odhan karinwaa xeel dagaal.
dhinaca kale waxaa saaka magaalada Laascaanood intii aanay soo galin isaaqu ay gawaadhi ka soo daayeen doofaro wajiga nuurad loo soo mariyey, taas oo dadweynihii magaalada la fajaceen iyada oo qorshooda sixir iyo adeegsigiisa laga dareemayo.
jidbaale.com





