http://www.somaliweyn.com/pages/news/Nov_07/7Nov14.html
Kooxo hubeysan, ayaa waxay fiidnimaddii xalay toogasho ku dileen Nin Ganacsade ah oo la oran jirey C/casiis Aadan Diiriye, kaasi oo goob ganacsi ku lahaa magaalladda Beled-weyne ee Gobalka Hiiraan.
Dableyda oo ku hubeysnaa bistooladddo, ayaa Marxuumka ku toogtay gudaha goob ganacsi oo uu ku lahaa agagaarka Buundada Liqliqato oo ku taalla Xaafadda H/wadaag ee magaalladda Beled-weyne.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay dableyda madaxa ka toogteen Ganacsadahaasi, oo isla markii ku qur baxay halkaasi, mana cadda ujeedada rasmiga ee ka dambeysa dilkiisa.
Dhinaca kale, Ganacsatadda magaalladda Beled-weyne, ayaa ka xumaaday falka lagu dilay Marxuumkaasi, oo deegaan ahaan ka soo jeeday Goballadda Puntland ee W/bari Somalia.
Allaha U Naxariiste Marxuumkaasi, waxaa saakayto lagu aasay qabuuraha magaalladda Beled-weyne, iyadoo ay boqolaal qof ka qeyb galeen aaskiisa.



