Garoowe: Dowlada Puntland oo baaq udirtey Somaliland.
7. november 2007
APL
Tool
Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
--------------------------------------------------------------------------------
Print This Article | Daabaco warkaan
Garoowe(AllPuntland)- Dowlad gobaleedka Puntland ayaa war ay ka soo saartay magaalada Garoowe waxa ay canbaareyn xoogan ujeedisay Maamulka isku magacaabay Somaliland ,ayagoo uga digey dagaalka ay ku hayaan Shacabka Puntland ee ku dhaqan Magaalada laascaanood.
Warkan oo ka soo baxay Puntland ayaa loogu baaqey Somaliland in ay ka baxdo Magaalada Laascaanood ayna joojiso dagaalada ay ku heyso dad shacabkaa ,maadaama dadkaasi yihiin dad reer Puntland.
Puntland ayaa ku tilmaantay dagaaladii maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood kuwa kacdoon ah ayna sameynayeen dadka Jecel nabadgalyada dalka Soomaaliya iyo wada noolaashaha.
Waxa ay Xukuumada Puntland walaac ka muujisay falalka Xuquuqda Aadanaha dhan ka ah ee ka jira Magaalada laascaanood ,ee ay geysteen ciidamada Maamulka la baxay Somaliland.
Dowlad gobaleedka Puntland ayaa sheegtay in deegaanada Puntland aan la heysan doonin ayna ka dalbayaan Ciidamada la keenay Sool in deg deg looga saaro ,hadii aysan baaqaasi uhogaasamin Somaliland-na ay Puntland udiyaarsan tahay talaabo ay jawaab kaga bixineyso gumaadka lugu hayo dadkeeda ,waa sida uu sheegaye Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaarada Warfaafinta Puntland.
Warkan ayaa sidoo kale Hanbalyo loogu jeediyey dadweynaha nabada jecel ee Magaalada Laascaanood sida ay uga soo horjeedaan Duulaanka lugu soo qaaday deegaanada dowlad gobaleedka Puntland.
Faarax C/qaadir Geylan
AllPuntland
ISSENT THIS JUST PATHATIC