Kooxaha Nabad Diidka oo xalay Qarax Miino ku Dhaawacay Suldaanka Beesha Reer Xaaji Saleymaan Habargidir oo ku sii jeeday Magaalada Baydhaba.
Suldaan Cali Horseed oo ah Suldaanka Beesha Xaaji Saleymaan ee Habar Gidir ayaa xalay waxaa miino ay la kacday gaari uu watay oo marayey inta u dhaxeysa Muqdsho iyo Afgooye gaar ahaan Agagaarka Ceelasha xili uu ku sii jeeday Magaalada Baydhaba.
Suldaanka oo watay gaari nuuca Renoteka ah waxaa la dhaawacmay sida aan ilo xog-ogaal ah ku heleyno dhawr oday dhaqameed oo isla beesha Saleymaan ah.
Dhaawaca Suldaanka ayaa waxaa la keenay Saaka Cisbitaalka Madiina halkaa oo lagu daweynayo.
Ujeedada Socaalka Oday dhaqameeydayadaan ayaa la sheegay in ay ahayd in ay Magaalada Baydhabo u aadayan kulamo ku aadan Xaalada Muqdisho ha yeshee kooxaha Nabad diidka ay ka war heleyn in ay samadoonadaaan u socadan in ay Xaalada Caasimada kala soo hadlaan DFS taasna ay keentay in la weeraro.
Falkaan lagu weeraray Suldaanka iyo Samadonada la socday oo goordhaw uuna Magaalada laga war helay ayaa waxaa canbaareyey dadka wax garadkaa ah oo ku tilmaamay mid aan sahurucda qabin.
Kooxaha Nabad Diidka ayaa u muqda in ay cidna u tureynin xitaa dhaqabka iyo caruurta iyo haweenka oo mamnuuc ka ah in la bartilmaamedsada shuruuca Caalamka iyo tan islaamka
Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho Somalia Contact Carmooyin@gmail.com




