[quote="LiQaaye_TDH"]BEN-DOVER Did you read this:
Buuhoodle(Jidbaale.com):- Beelweynta Dhulbahante degaan ahaan waxay degaan saddex gobol oo kala ah (1) Sanaag, (2) Sool iyo (3) Cayn: Gobolkii sanaag waxaa ku duulay huwan ay horkacayaan Beelaha Muuse Ismaaciil ee Habar-yoonis, Gobolkii Sool waxaa ku duulay oo qabsaday Maleeyshiyo u badan Beelaha Muuse Abakor ee Habar-Jeclo, Gobolkii Cayn xaaladdiisu way cakiran tahay?, waana fool (9 bilood ah), lama garanayo Beesha qabsan doontaa Isaaq cidday ka noqon doonto?
Hannaankii siyaasadeed iyo hiyigii shacabkii Dhulbahante ayaa guud ahaan mar kaliya is baddalay, haddii Dhulbahante karaamo iyo sharaf ku dhex lahaa shacabka Soomaaliyeed waxaa ku tuntay shakhsiyaad dhuuni-qaatayaal ah oo cadowga u adeegaya, haddii wiilka ama gabadha Dhulbahante ka kaftami jireen golayaasha fadhi-ku-dirirka ah maanta hadal uma furna, sidoo kale shakhsi Dhulbahante ahi marna kuma riyoon in degaankiisa Isaaq xoog ku qabsan doono!
1.Gobolka Sanaag: Waxaa degaan ahaan wadda degga 4 beelood, laba ka mid ahi waa Harti, laba kamid ahina waa Habar-lamaan/Isaaq, way jiraan beelo kale laakiin kuwaas wakhtigooda ayaynu ka hadli doonaa, beelahan afarta ah degaanadoodu way kala soocnaayeen, beel waliba waxay lahaan jirtay dhul daaqsimeed u gaar ah oo lagu ogaa, balse is badbadalka siyaasadda iyo maamuladii u kala dambeeyay dalka ayaa sameyn way ku yeeshay.
Xiliyadii Dowladii Siyaad Bare iyo dowladii ka horeeyayba Beelaha Isaaq ee degaan ahaan ku dhaqan gobolka sanaag waxay lahaan jireen saami yaciman iyo karaamo la karaameyn jiray hantidooda iyo sharactooda marna laguma xad-gudbi jirin, haddii maamul la samaynayana qeybtooda ayay ka qaadan jireen, mana jirin cid dulmi jirtay oo si gaar ah ugu tacadiyi jirtay hantidooda iyo jiritaankooda.
Hadaba laga soo bilaabo sanadkii 1991, Beelahani waxay la soo baxeen siyaasad ka duwan tii hore, isla markaana waxayna isku balaadhiyeen dhamaan degaanadii beelaha kale ee deriskooda, sida (warsangali iyo dhulbahante), iyadoo sheeganaya maamul ama dowlad aan jirin, qorshahan dhulbalaarsiguna wuxuu ahaa mid ka soo fulaya mar walba maamulkooda hargeysa ka taliyaa, iyagoo taageero dhaqaalle iyo mid saanadba ka helayay Hargeysa, aakhirkiina waxay la wareegeen gacan ku haynta gobolka sanaag.
2.Gobolka sool:- Wuxuu leeyahay degaan ballaadhan iyo degmooyin hoos yimaadda, qorshaha dahsoon ee guud ahaan Isaaq ku doonayay inuu ku qabsado caro dhulbahante ayaa sanado badan soo jiitamaysay, Beelaha Habar-jeclo gaar ahaan kuwa ku wajahan Gobolka Sool, waa Muusa Abakore waxay sanad walba la wareegi jireen degaano cusub, inta badana waxay qorshahooda fulin jireen xiliyadda degaanadda dhulbahante roobabku ka da'aan, waxay soo dhex degi jireen dhulbahante dhexdiis iyagoo odhan jiray 'aar abtiyaalooow haraad waa caddawe hana bakhtiinina ee na waraabiya' marka Awrta iyo dhaanka loo waraabiyana kuma tagaane maalinta xigtana waxay soo rartaan reer miyigooddii, sanadkaasna halkaas ayay ku nagaaladaan oo isku dhalaan, sanadka xigana 'waa doqon ha u gargaarin hana gargaarsane' halkii ayay ka sii wadaan riwaayadoodii dhulbalaarsiga, waxayna ku fidaan degaano hor leh.
Qorshaha Dhulbalaarsi ee Isaaq/Habarjeclo ayaa sanadihii hore ahaa baryootan iyo biyo- doon, balse xiliyadii dambe ee ay maamulka hargeysa sameysteen oo ay hub iyo dhaqaale gacmahooda soo galay waxay abaabuleen ciidamado maleyshiyeed beeleedyo ah oo horgala dhaankooda, waxaana meesha ka baxday baryootankii, waxayna ku badaleen xoog iyo Qori caaradiis, reer miyigoodana waxaa caado u ahayd inay daba-guuraan maleyshiyadooda, waxayna gabood ka dhigtaan Taangiyadda iyo Beebeeyadda.
Sanadihii 1940-1960 Ninkii garanaya ayaa garanayee, Habar-lamaan waxay saarnaayeen Buuraha Gollis ee ku teedsan Badda Cas, waxay soo habeen dhaxaanba waxay yimaadeen Shiikh, hadana waxay u soo gudbeen Burco iyo Beer, waxaan ahaa wiil yar oo kurey ah Geelashuna waxay ii daaqi jireen Wadaamo goo iyo Caynaba dusheeda, waxaase nasiib daro ah markaan maqlay Isaaq waxay la wareegeen Caynaba, Oog, Yeyle, Adhi-cadeeye, Gumeys, Abeesolay, Xargaga, Laascaanood, waxayna 4 km u dhaafeen dhinaca Garoowe.
3.Gobolka Cayn: Waa gobolka saddexaad ee dhulbahante dego, waana gobolka kaliya ee gacanta dhulbahante ku jira ilaa saacad aan qoraalka qorayo, waxaana ku nool bulsho aad u balaadhan, xaaladda siyaasadeed ee gobolku ma degana, iska kastoo ay jiraan Odoyayaal iyo shacab u heelan nabadda iyo wada noolaanshaha oo mar kasta gacanta ku haya amaanka gobolka, haddana waxaa jira cadaadis siyaasadeed oo baaxad weyn oo kaga imaanaya dhinaca Hargeysa, taasoo la mid ah tii lagu qabsaday goboladii kale ee Sool, Sanaag.
Habeen walba waxaa Gobolka Cayn soo gaadha shakhsiyaad ka dhexmuuqda siyaasadda Hargeysa waxayna gobolka soo galiyaan lacag xadi badan, taasoo ay ku kala furfurayaan dadka iyo dalka, shakhsiyaadka waxaa hadda ugu firfircoon oo siyaasadda gobolka faraha gacmaha kula jira Col. Dalbac, Ciise Rawe, Xamse Gaada-weyne iyo Ina Jaamac Ahmed Cali (Mooris) oo xildhibaan ka ah Hargeysa, kuna howlan hadda siduu ciidamo beeleed uga qoran lahaa gobolka.
Col. Axmed Xaabsade iyo shakhsiyaad badan oo kale oo qaarkood ku sugan yihiin Hargeysa iyo Laascaanood ayaa qudhoodu qeyb ka ah duulaankii Isaaq ku qabsanayo Gobolka, dhamaantoodna waxaa laga hogaamiyaa Guriga Madaxtooyadda ee Riyaalle.
Markaan soo gunaanado ujeedada maqaalkaygan Isaaq maanta waxay taagan yihiin gunaanadkii mashruucii gaadhitaanka yoocadda, Sanaag galbatay, Soolna shalaan sagootiyay, Cayna waa fool, xaalada Amaankuna Cayna waa mid faraha ka sii baxaysa, waxaana luntay guud ahaan kalsoonidii beelaha wada dega gobolka, waxaana hadda jira beelo si toos ah dhaqaalle uga hella Hargeysa, sidoo kale waxaa soo bixi doona Beelo kale oo damac kaga jiro inay ku biiraan Isaaq iyo maamulkooda, dhinaca kalana waxaa jira hub urursi beelaha dhexdooda ah.

[/quote]
That was a hilarious read Liqaayow..
In the past they used to boast of how they are reer SSCH or Sool Sanaag Cayn and Hawd. Then they changed it to SSC, now Sool and Sanaag are gone and they're only left with Cayn, which is reference to Caynaba city which we took from them. Today, the only term they could use to describe themselves with waa reer Buuhoodle

of which the majority of villages that come under that district is inhabited by, surprise surprise, us
Something which really is confusing is their weird, unhealthy obsession with Boqor Buurmadow. On every other page of any of their website you will see a mention of him.. I really wonder why they hate him so much?
Anyways, Musayaal own the eastern regions for sure!
