Korneyl Abdullahi Yusuf ayaa markii uu la kulmay saraakiisha Safaaradda Mareykanka waxay ku sallimeen liis ay ku qornaayeen magacyada wasiirrada cusub oo gaaraya 22 wasiir iyo raisal wasaaraha cusub, waxaana saraakiishaasi ay korneylka u sheegeen in aan la dhisi karin wax ka badan laba iyo labaatan wasaaradood, taasoo meesha ka saareysa gebi ahaanba wasiirradii hore u jirey, iyo in ninkii odayga jecelba wasiir laga dhigo.
Cabdulahi Yuusuf ayaa intii uu shirarka kula jirey dipolmaasiyiinta iyo saraakiisha Mareykanka, waxaa uu hadalkiisu ku koobnaa, YES, iyo OK, waxaana la filayaa in todobaadka soo socda liiskaan wasiirrada iyo raisal wasaaraha looga dhawaaqo Bakhaarka Galleyda ee ADC oo ah xarunta kooxda sadaqada ku qayisha ee Mbagathi.
Taageerayaasha Korneylka howl gabay, ayaa iyagu waxay ku faraxsan yihiin in saraakiisha Mareykanka ee Safaaradda Nirobi ay qaabilaan Cabdulahi Yusuf, taasoo ah bey yiraahdeen horumar, waxaana la soo weriyey in turjimaanka Cabdulahi Yusuf, ninka lagu magacaabo Cirro uu laba ragco oo salaatul shukri ah ku tukadey Safaaradda Mareykanka ee Nirobi Albaabkeeda hore, kadib markii Col. Cabdulahi Yusuf lagu casumay inuu shir u yimaado Safaaradda.




