Baaq Taageero ah S/liland. oo kasoo baxayay afhayeenka Qurba joogta Beesha reer kooshin.ee J/Siyaad
Warkii 12-Nov-2007 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk
Anigoo ku hadlaya magaca reer kooshin ee qurbaha kunool waxaan taageersanahahay maamulka Somaliland ee Gobolka Sool markii aan eegnay danta guud ee dhulbahante iyo danta magaalada Laascaanood waxaanu aad iyo aad usoo dhawaynayaan maamulkaa waxaanuna leenahay dadka kasoo horjeeda ha taageeraan hana ka fogaadaan isirka iyagoo eegaya danta guud ee Shacabka SSC.
Markaa waxaan ugu baaqaynaa dadka kasoo horjeeda maamulka inay taageeraan maamulkan ee aysan eegin isir iyo nin jeclaysi ee ay eegaan danta Gobolka iyo danta guud ee SSC si loo gaadho maamul wanaag ka hirgala Gobolada SSC oo uu ubaahnaa waqti dheer horumar iyo cadaalad.
Markaa waxaan uhanbalyaynayaa madaxda Gobolka Sool ee Somaliland waxaana ka Codsanaynaa inay ka fogaadaan wax kasta oo dadka ku keeni kara tafaraaruq iyo inay kala jabaan uguna adeegaan cadaalad iyo eexasho la’aan, si danta umadu ay uhirgasho.
Sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa dadka shacabka ah ee horay ugu shaqayn jiray maamulkii Puntland inay dadkooda dhinac ka raacaan kana qayb qaataan sidii umadooda wax loogu qaban lahaa ee aysan noqon kuwo ragaadiya danta shacabkooda.
Waxaan kale oo ugu baaqaynaa Dawlada Somaliland inay dadka shcabka ah iyo Gobolka lasoo gaadhaan hay’adihii wax uqaban lahaa shacabka, uguna adeegaan sinaan iyo cadaalad iyaga oo aan cidna garabka saaraynin dadkana ay u adeegaan iskana ilaaliyan wixii mamulkii hore ku fashilmay ee shacabku uga gadooday
.
Qoraalkan waxaa nasoo gaadhsiyay oo aad kala xidhiidhi kartaan C/xakiin Cismaan Nuur tell: 6129870074 gobalka minesoto ee magalada minepolis
http://afnugaal.com/warka.php?num=4206