Axmed oo ka baxay Liiska musharaxiinta Jagada Ra'iisul Wasaaraha, kuna laabtay Mareykanka (Maxay tahay sababta) xog dhab ah.
Prof. Cali Axmed Jimcaale oo todobaadkii hore ahaa shaqsiga aad loogu hadal haya inuu qabanayo jagada Ra'iisul Wasaaraha Cusub ayaa hada ka baxay, loolanka uu ugu jiray jagadaas.
Cali Jimcaale ayaa labo maalmood ka hor ku laabtay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka, kadib markii ay Maamulka Addis Ababa isla meel dhigi wayaeen qabashada xilkii uu baneeyay Cali Geeddi
Ilo wareedyo ku dhow dhow Professorkan wax ka dhiga Queens College iyo Jaamacad lagu magacaabo City Universita oo ku taal Magaalada New York ayaa la sheegayaa in dood dheer dhex martay isaga iyo Dowladda Ethiopia, taasoo aaqirkii ay isku afgaran waayeen qodobo uu hordhigay Ethiopia iyo Saraakiil si hoose ah uga socota Xafiiska Madaxweynaha.
Prof. Jimcaale ayaa sheegay in hadii la doonayo inuu kasbado kalsoonidda dadka reer Muqdisho ay laga maarmaan tahay in la helo sedex qodob oo arrinkaas muhiim u ah kuwaaso culeys adag ku noqotay Dowladda Ethiopia.
Waxa uu hordhigay shuruudo aad muhiim u ah oo uu sheegay in ay tahay tan kaliya ee shacabka ay uga samata bixi karaan dhibaatada iminka heysata, kuwaasoo kala ah:
1- In la mudeeyo taariikhda ay ciidanka Ethiopia Soomaaliya ka baxayaan
2- Inuu la hadli karo cid walba oo soomaali ah oo Dowladda Kmg ka soo horjeedda
3- Inuusan Addis Ababa uga amar qaadaneynin aaya ka talinta arrimaha xukuumadda.
Shuruudahaas oo idil ayaa noqotay mid ay isla meel dhigi waayeen isaga iyo Dowladda Ethiopia oo iyadu daneyneysa in ay hesho shaqsi buuxiya Xilka Ra'iisul wasaaraha, kaasoo u hogaansama awaamiirteeda.
Sidoo kale warar kale ayaa iyana sheegaya in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf laftiisa uu ka biya diiday qorshaha Cali Jimcaale una arko inuu yahay shaqsi aan wax la marsiin karin, iyadoona dad ku dhow dhow Madaxweynaha ay sheegayaan in beeshiisa ay uga digtay inuu u magacaabo Cali Jimcaale xilka Ra'iisul Wasaaraha, maadaama uu horay uga qoray Buug lid ku ah Beesha C/llaahi Yuusuf ka soo jeedo.
Wali waxaa la baadigoobayaa cidii qaban laheyd Jagada Ra'iisul Wasaaraha cusub, iyadoona wali Madaxweynaha ku jahwareersan yahay cidii uu u magacaabi lahaa iyadoona durba shaashadaha ay ka soo muuqdeen rag badan oo xilkan doonaya





