Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Dumarka iyo caruurta Laascaanood oo loo bixiyey guuto koowaa

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Dumarka iyo caruurta Laascaanood oo loo bixiyey guuto koowaa

Postby XidigtaJSL » Mon Nov 12, 2007 2:48 pm

Dumarka iyo caruurta reer Laascaanood oo loo bixiyey guuto koowaad.
Warkii 12-Nov-2007 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk.
Waxaa wax laga naxo ah in dumar iyo caruur xaaladooda ilaahay og yahay loo bixiyo magac ciidan meleteri oo lagu dhiiri geliyo inay beebeeyo iyo tikniko shiidaan,iyadoo ragii laga rabay,difaaca maatadaasina uu guryaha Laascaanood jiifaan amaba ay ku sugan yihiin meelo kale oo nabad gelyo ay ku joogaan.


Maatadaas ayaa waxa lagula soo xidhiidhaa taleefoono ay u badan yihiin qurbajoogta kuwaas oo xoogay shilimo ah u soo dira
dhalinyarada qaarkood,kadibna ku yidhaahda shiida ciidamda idin qabsaday,waxaana loo bixiyey guutada koowaad ee ciidamda Puntland.

Maatada birimageydada ah oo ay ka xaaraan tahay in lagu xadgudbo xaquuqdooda,ayaa waxa tacadi u geysta dad wax ma garato ah
oo iyagu intay dhuuntaan caruurta wadada soo tuba,kadibna si naxariis daro ah ayay ciidamada ay shiidayaana ula dhaqmaan oo
rasaas baa hoos loogu dhigaa,taasoo ah wax aan la qaadan karin.

Caruurta iyo dumarkan oo xaafad ka mid xaafadaha Laascaanood laga soo saaro ayaa waxa soo gaadha dhaawacyo halis ah iyo weliba dhimasho.


Dagaalada dhex mara kooxaha soomaaliyeed iyo qabaa'ilada soomaalida ayaa hadii laga maarmi waayo wuxuu ku fiican yahay
inay is laayaan dhuuni qaatayaasha u kala adeega qaybaha is haya,balse aanay haboonaun in dumar iyo caruur loogu yeedho magac
guuto iyo ciidamo toona,laguna dhiiri geliyo inay shiidaan gaadhi beebe ah oo wadada maraya,kaasina uu madfac ku rido.


Waxaa muhiim ah in ururada bulshada rayidka ah ee reer Laascaanood inay u diyaar garoobaan daryeelka maatada,oo la dhawro
xaquuqdooda bini'aadminimo,oo dhamaan laga ilaaliyo kooxaha is haya inay isu adeegsadaan ama dhibaateeyaan.


Waa in isha lagu hayaa tacadiyada ay gaysanayaan dadka u kala adeega labda maamul si hadow loogula xisaabtamo.

Nin qabyaalad doojoow
doqoniimo waa cudur
hadii aad dub leedahay
inta dumar agoomo leh
inta dhiig dad lagu qubay
inta darib nin lagu cunay
inta duugu dalamsaday
debec yaa lahaayeey
maxaa duul ku baaba'ay
maxaa dhacay umulo doox
anigaa nin dooriyo
anigaa wax dumin kara
maxaa duunyo ku dumuq tiri
Maxaa dubaaxdeeniyoo idil
duunyo dugaaga loo wadhay
Darka iyo xareediyo
daaq la isu duudsiyey
dirirtiyo colaaduhu
maxay duul bar kiciyeen
Islaan wiilkii laga dilay
di'iyeey maxay tidhi
Dadab iy aroos iyo
aqal laba daryaale ah
maxaa daaha loo rogay!
Waxaan uga dan leeyahay
sumad iyo digtoor iyo
ninkii duub ku nooloow
ala doori baad tahay
Soomaali waa duud,
waa ul iyo diirkeed,
waa deris iyo tol wada yaal
nin dan laana kala gura.

Qabiilkii doraad yiil
Shalay daba ka raac
iyo dibitaati baa waday
Maantana dilaal iyo
dibir baa u foof taga
Waa dabin qarsoodi ah
Umaday ku dagayaan
Qoloqolada loo degey
Raga dacarta huriyaa
waa kooxo duumo ah
waxa loo dan leeyahay
hilibkayga dahabka
sidii loo dudumin laa.

Dugsi ma leh qabyaaladi
Waa danabka baahida
Waa astaanta dib u dhaca
Waa goob dalooshoo
dadka maanka kaga taal
ka dhiig dad ku nooliyo
waxaa qaba nin daalin ah.

Horta dira diradiraaloow
dabka maxaad u sidataa
yaad daafacaysaa?
Hadii uunku kala dido
yaa dulinka kaa layn?

dibjir iyo nin xoolo leh
danbi laawe iyo tuug
daadah weeye socodkuye
yaa daawadeed heli?

waxaan uga dan leeyahay
hadaad duulimaad tahay
Jidka dheer u meel dayo
armuu dogobka dhiiga leh
darintaad ku hurudiyo
docdaad joogto huriyaa?

Afnugaal.com

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 77 guests