Macalin Aadan Cayrow: Taangiga maanta Xamar taagan berri wuxuu tegayaa Boosaaso iyo Hargeysa
Posted to the Web Nov 12, 22:22
Talaado, 13 November 2007 (Aayaha.com) - Hoggaamiyaha xoogagga Al-Shabaab Macalin Aadan Xaashi Cayrow ayaa ugu baaqay culumada Soomaaliyeed in ay hoggaamiyaan halganka dalka looga xoreynayo cadowga Itoobiya.
Macalin Aadan Cayrow ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in ay ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro cadowga Itoobiya "Illaah baan idinku dhaarshaye ma waxaan fiirsanaa waxa ka jira Xamar, Illaah baan idinku dhaarshaye ma waxaan fiirsanaa ummadda Muslimiinta sida loo galayo" ayuu weydiiyay shacabka Soomaaliyeed sheekhu.
Hoggaamiyaha Al-Shabaab ayaa farriin maqal ah oo uu soo dhigay shabakadda taageerta Al-Shabaab ee
www.almujaahid.com ugu baaqay hooyooyinka Soomaaliyeed ee biyaha u qaadi jiray maleeshiyooyinkii ka qeyb galay dagaalada sokeeye, odayaashii hoggaamin jiray dagaaladii sokeeye, iyo dhalinyaradii ka qeyb qaadan jiray dagaaladii sokeeye in ay haatan ka qeyb qaataan dagaalka xaqa ah ee lagula dagaalamayo cadowga Itoobiya.
Macalin Aadan Xaashi Cayrow ayaa ugu baaqay Soomaalida qurbaha ku nool ay dalka kusoo laabtaan oo ka qeyb qaataan halganka lagu xoreynayo dalka "dadka qurbaha jooga wallaahi in aysan idinka saareyn in aad maalinba meel ku shirtaan, ummadda guryahoodu uu taangigu marayo wallaahi in aydaan ku badnaadineyn" ayuu yiri Macalin Aadan Cayrow.
Hoggaamiyaha Al-shabaab ayaa Soomaalida ku nool gobolada Somaliland iyo Puntland ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan halganka lagula jiro gumeysiga "taangiga maanta Xamar taagan shaki kuma jiro in uu beri tagi doono Hargeysa iyo Boosaaso" ayuu yiri Aadan Cayrow isagoo intaa ku daray in qof walba uu yimaado goobta uu dagaalku ka socdo kana qeyb qaato dagaalka.
"Waxa leysku haysto waa naftiina, caruurtiina iyo guryahiina" ayuu xusuusiyay shacabka Soomaaliyeed hoggaamiyaha Al-Shabaab.
"Hooyooyin 70 sano jiro ah oo meydkooda madaxa laga gooyay ayaa la dhigay waddooyinka Muqdisho" ayuu yiri Macalin Aadan, isagoo sheegay in aaney shacabka Soomaaliyeed aqbali doonin qorshaha guracan ee lagu xasuuqayo, balse ay iska difaaci doonto.
Hoggaamiyaha Al-shabaab ayaa ugu dambeyn ugu baaqay xoogagga uu hoggaamiyo in ay dhowraan asluubta dagaalka, isla markaana ay dhowraan go'aamada ururka ee aanay dhicin in qof walba wuxuu doono uu sameeyo.
Hadalka hoggaamiyaha Al-Shabaab ayaa kusoo aaday maalmo kadib markii ay ciidamada gumeysiga Itoobiya magaalada Muqdisho ku xasuuqeen shacab Soomaaliyeed oo boqolaal gaaraya, iyagoo gowracay ama bireeyay in badan oo kamid ah dadkii ay dileen.
Aayaha.com
Editor@aayaha.com