Xilldhibaan Barre Hiiraale Oo Soo Gaarey Magaalada Baydhabo
Nov 16,2007
by Baydhabo-GEDO-NN
Xildhibaan Bare Aden Shire(Bare hiiraale) ayaa shaley galab waxa uu garey magaalada Baydhabo ee ah fadhiga Barlamaanka soomaaliya, iyadoo halkaasina xildhibaanka ay ku soo dhaweeyeen madax ka tirsan labada Gole ee DKMG ah ee Soomaaliya.
Xildhibaan Bare Hiiraale ayaa bilahii u dambeeyey waxaa uu ku sugnaa magaalada Adis-ababa halkaasi oo uu u joogey arimo caafimaad la xariira iyo sidoo kale wadahadalo uu la lahaa masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Ethiopia oo ku saabsan
xaalada Soomaaliya.
Xildhibaan Bare Hiiraale ayaa imaashahiisa Baydhabo, waxaana ku weheliya Col.Cabdulaahi sheekh Ismaaciil (Farataag) oo ahaa taliyaha Guutada 3aad oo isna in muddo ahba howlo caafimaad u joogay dalka Ethiopia.
Imaanshaha Xildhibaan Bare hiiraale ee magaalada Baydhabo ayaa ku soo beegmaysa,xillli Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliyalaga sugayo in maalmaha soo socda uu magacaabo Raisal wasare cusub,maadama Raisal wasaarihii hore uu is casiley.
A C Saalixi-GEDO-NN-Baardheere




