Dadaallo dhaqaale loogu ururinayo dadka Muqdisho kasoo barakacay oo ka bilawday
Kadib markii boqolaal qoysas ah oo kaso barakacay Muqdisho oo u tabaaleysan ay soo gaareen qeyba katirsan gobolada Jubbooyinka, gaar ahaan magaalada Kismaayo ayaa xubna isugu jira ganacsato, Culumaa-udiin iyo odayaal waxaa ay magaalada ka bilaabeen howla lagu taakuleynaya dadka soo barakacay, waxaa Idaacadda Fm-ta ah ee kismaayo ka howlgasha laga siidaayey barnaamij yabooh ah oo dadka reer Kismaayo ay ugu kaalmeynayeen dadka soo qaxay lacago, dhar iyo raashiin oo dad badan oo dhallinyarro u badnaa ay howlaha tabarucaada ka qeybqaateen.
Sidoo kale masaajidyada waaweyn ee magaalada Kismaayo ayaa salaaddi Jimcaha ee shalay ay culumaa-udiinka ka soo jeediyeen qudbado la xiriira u gargaarida dadka dhiban ee soo cararay, iyadoo culumadu ay shacabka ugu baaqeen inay ka qeybqaataan dhaqaala ururinta socota, waxaana dadkii jameecada ahaa ee Maaajidyada soo xaasiray ay isku diiwaangelieen koox koox iyagoo ballan qaadan dhaqaale ay siinayaan dadka ka soo barakacay magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Faarax oo kamid ganacsatada howsha taburaacadda ah wax ka wada ayaa u sheegay Idaacadda frontier in ay u soo xaroodeen iminka waxoogaa dhaqaale oo uusan carabaabin tiradeeda iyo qalab u badan maacuun, isagoo u mahad celiyey dadkii Illaahay dartii waxay awoodeen u keenay, wuxuuna ganacsade C/raxmaan Faarax uu sheegay in markale ay soo gabagabeeyeen ururinta dhaqaalaha ay ku wareejin doonaan qoysaska dadka soo barakacay.
Waa markii ugu horeysay oo dad Soomaali ah oo Muqdisho uga soo cararay rabshadaha ka jira loo ururiya dhaqaale tan iyo markii ay soo gaareen Kismaayo dadka soo barakacay.
Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.





