Xaflad balaadhan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan Dadweynaha Degmada Oodweyne, Cuqaal, Aqoonyahan, Xildhibaano Golaha Deegaanka Degmada Oodweyne, iyo Xubno ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, Culima,udiin.
Shirkada Dahabshiil ayaa Saaka Furtay Dhisme cusub oo ay ka dhiseen Degmada Oodweyne, kulankan furitaanka oo isugu jirey laba qaybood, Gudoonsiinta Deeqda Shirkada Dahabshiil ugu deeqday Cusbitaaka Oodweyne, iyo Gudoonsiinta Gaadhiga Ambulance ka ah. Maamulka Degmada.
Duqa Degmada Oodweyne Maxamed C/raxmaan waad ku mahadsan tihiin hadaad tihiin Maamulka Shirkada Dahabshiil maanta Magaalada Oodweyne qurux ayaa ku soo kordhiseen idinkoo naga caawiyey sadex mashruuc oo kala ah dibu dhiska Cusbitaalka Oodweyne, Dayactirkiisa, iyo Gaadiidkii loogu baahida Badnaa, waxaaan leeyahay Shirkada Dahabshiil way kale tageen Nacab iyo Cadow, waa baayac mushtariga keliya wuxuu dalka ka faa,iiday dib ugu soo celiyey, Reer Oodweyne way idinku mahadnaqayaan.
Sidoo kale kulankan waxaa ka hadlay Maamulaha Shirkada Dahabshiil Gobalka Togdheer Maxamed Yusuf oo sheegay in ay ka gudoomeen sida wanaagsan ee Reer Oodweyne ay ugu soo dhoweeyeen.Degmada taas oo ah Dahab Shiil waa shirkad ganacsi waxaa ka faa,iiday Dalka iyo Dadka, markii aanu qiimayn samaynay waxaanu ogaanay in Oodweyne ay shirkada Dahabshiil Sucmad ku leedahay, loona baahan yahay in wixii la helo lagu celiyo Dadka iyo Dalka siiba dhinacyada Waxbarashada iyo Caafimaadka
Mareeyaha Shirkada Dahab Shiil Gobalka Togdheer Nuux Siciid Ducaale oo munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay ugu horeyn in uu ku farax san yahay imaatinka Degmada Oodweyne oo dhowaan shirkada Dahab Shiil ka dhisatay Dhisme aad u balaadhan taas oo leh mudnaanteeda, Mashaariicda Shirkada Dahab Shiil ay ka hirgalisay waxay kala yihiin Sadexdan Qaybood,
Dhismaha Dayrka Cusbitaalka Degmada Oodweyne,
ayactirka Cusbitaalka Degmada Oodweyne
Gaadhiga Ambulance ah, oo Shirkada Dahabshiil u Soo iibisay Cusbitaalka Degmada Oodweyne, intaas markii laysu geeyey noqotay lacag gaadhaysha $22300 Dollor.
Run ahaantii shirkada Dahabshiil wixii karaankeeda ah ee dalka iyo dadka wax u tara, way jeceshay sida Cusbitaalada, Wadooyinka, Iskuulada, waxaan filayaa kulankan kulankii iigu xigay ee ka qayb qaadanay dhul ay shirkada Dahabshiil u iibisay meel laga dhisayo Cusbitaal iyo Dugsiga Nursing School ee Magaalada Burco. Waxaa kale oo aan leeyahay Reer Oodweyne noqon mayso intan oo keliya ee ee waxaynu rajaynaynaa in aynu sii balaadhino hawlaha inaga dhaxeeya.
Suugaan yahanka Maxamed Xuseen Qasaali oo ah Reer Oodweyne ayaa ka akhriyey Munaasibadan Gabay Duco, iyo Waano ah, dhinaca kale Caaqil Maxamed Biixi Cabdi oo ku hadlay magaca Cuqaasha iyo Odayaasha Degmada Oodweyne ayaa u mahadnaqay Shirkada isagoo ka sheekeeyey marxaladaha kale duwan ee shirkada dahabshiil ay dalka ka qabatay iyo weliba ka shaqaysa dunida dacaladeeda, maantana reer oodweyne nasiibkooda ayay halkan ku gaadheen shirkada Dahabshiilna way ku mahadsan tahay, waxaa kale oo aan idin sheegayaa awalba waad joogteen idinkoo intan ka hanti kooban Degmada dadkuna idinla macaamilayey Gudo iyo dibadba, halkaana waxaad ku gaadheen dedaal iyo Amaanadii oo aad xafideen.
Xildhibaan Maxamed Xaaji Yusuf Waabeeyo oo ah, Xildhibaanada laga soo doortay Degmada Oodweyne ayaa isaguna ka hadlay Xafladan aadka u qiimaha badan oo sheegay in ay tahay mid taariikhiya, Shirkada Dahabshiil Mashruucan ay ka hir gelisay Dibu dhiska Cusbitaalka Dayrkiisa, iyo Dayactirka iyo Gudoonsiinta gaadhiga Ambulance ka ah, marka laga hadlayo Waxtar waa mid wayn oo lama yaraysan karayo, Astaamaha horumarka waxaa lagu gartaa markaa marka Companyga, ay dadka wax u qabtaan, oo ay muhiimada siiyaan Baahiyaha Aasaasiga ah, waxaan maanta halkan baaq uga soo jeedinayaa in ay ganacsatada kale ee dalka jooga ay ku daydaan Shirkada Dahabshiil, oo dadka,dalkaba ay wax ku celiyaan, waxaa kale oo aan halkan fursadan uga faa,iidaysanayaa qurba jooga soo dhisay Dugsiga Waxbarashada ee Degmada Oodweyne, waxaa kale oo aan u sheegayaa Dadweynaha Reer Oodweyne in ay maqan tahay kaalintii xukuumada Somaliland iyo wixii ay u qabatay Degmada maanta, Xukuumada iyada taladii dalka gacanta ku haysa meeyey Role, kii ay ka qaadan lahayd, anaga marka aad na doorataan ayaad na waydiin kartaan wixii aanu qabanay, meyey waxqabadkii Xukuumada.
Gebagebadii waxaa shirkada Dahabshiil ku wareejisay Gudida Caafimaadka Degmada Oodweyne oo ay warbaahintu waydiisay sida ay u maamulidoonaan, iyagoo sheegay in dhibaato wayni ka haysatay dhinaca Gaadiidka waqtiyada ay dumarka umalayaan u baahdaan Gaadiid, taas oo uu balan qaaday Gudoomiyaha Degmada Oodweyne in ay xafidi doonaan, ilaashanadoonaan Gaadiidka maanta ay ka gudoomeen shirkada Dahabshiil ay ugu deeqday Cusbitaalka Degmada Oodweyne






