been badana
Puntland Oo Dib U Eriday Maleeshiyada Somalidiidka
(Laascaanood}18.11-7
Ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Puntland ayaa iska caabiyay kooxaha maleeshiyaadka ah ee soodullay kadib markii ay shalay usoo ruqaan sadeen dhanka deegaanka Ganbadhe.............................
Xoogaga mujaahidiinta Daraawiishta ayaa madaafiicda goobta kusoo riday maleeshiyaadka somalidiidka oo usoo socday shalay dhanka deegaanka Ganbadhe .
Somalidiidka maleeshiyadooda ayaa xalay dib ugu soo noqday aagagii ay hore u fadhiyeen ee duleedka magaalada laascaanood.
Dhanka kale wareegtooyin horleh oo uu madaxweynaha puntland ugu magacaabayo saraakiil sar sare oo khibrad dheer u leh habka dagaal gelinta ciidamada ayuu soo saaray shalay.
wuxuuna ku magaacabay xililkan::: 1. Gaashaanle sare C/risaaq Sheekh Cusmaan (Cali Baadiye) ayaa loo magaacabay Taliyaha guud ee ciidanka Daraawiishta Puntalnd
2.Waxaa loo magacaabay Gaashaanle sare Col. Maxamed Xaaji Cabdi Maxamuud {Deyr}in uu noqdo taliye ku xigeenka 1-aad ciidanka Daraawiishta ahna Taliyaha qeybta Daraawiishta Puntland ee gobalka Cayn.
3. Waxaa loo magacaabay Gaashaanla sare Siciid Axmed Maxamed (Shoodhe) Taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka Daraawiishta Puntland “
4. Waxaa Gaashaanle sare Siciid Maxamed Salaad (Gorayo Cawl) loo magacaabay Abaanduulaha ciidanka Daraawiishta Puntland.
5.Waxaa Gaashaanle dhexe C/laahi Cumar Canshuur loo magacaabay Taliyaha ciidanka Daraawiishta ee gobalka Sanaag ee Puntland.
6. Waxaa Gaashaanle sare Xiif Cali Taar loo magacaabay Taliyaha Kulmiska Darwiishta ee dowlada Puntland.
7. Gaashaanle sare Cabaas Salaad Dacar loo magacaabay Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland ee gobalka Nugaal.
8. Waxaa Gaashaanle sare Faarax Nadiif loo magacaabay Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland ee gobalka Sool.
9. Waxaa Gaashaanle sare Maxamuud Muuse Ilka dheere loo magacaabay Taliyaha ciidanka Daraawiishta ee gobalka Mudug.
10. Waxaa Gaashaanle sare Cabdi Xasan Xanaf loo magaacabay Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta qeybta gobalka Sool.
11.Waxaa Gaashaanle sare Cali Cumar Axmed (KK) loo magacaabay Abaanduulaha Qeybta gobalka Sanaag ee Daraawiishta Puntland
12. Waxaa Gaashaanle sare C/salaam Xasan Xirsi (Gu'jir) loo magacaabay Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Puntland,wuxuu sidoo kale si gaar ah Masuul ugu yahay C/salaam arimaha nabadgalyada gobalada Mudug iyo Nugaal.
13. Waxaa Gaashaanle sare Sayid Jaamac C/le taliye kuxigeenka 1aad ee ciidanka Booliska Puntland ,wuxuuna si gaar ah ugu xilsaaran yahay la socoshada arimaha nabadgalyada ee gobalada Sool iyo Cayn.