Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

TODOBADII CAR EE HAWIYE IYO ABDULLAHI YUSUF

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Hotguyy
Posts: 65
Joined: Thu Aug 09, 2001 7:00 pm

TODOBADII CAR EE HAWIYE IYO ABDULLAHI YUSUF

Postby Hotguyy » Wed Nov 21, 2007 10:40 am

READ THIS GUYS, THIS IS FUNNY

Diiradda Waaga Cusub:- Todobadii Car ee Hawiye iyo Cabdulahi Yusuf.

Dhab ka hadal Waagacusub.com .

1- Car Madaxweyne haka noqdo Somaliya Korneyl Cabdulahi Yusuf

2- Car Cabdulahi Yusuf Itoobiyaan dalka ha soo geliyo

3- Car Shariif Xasan xilka Gudoomiyenimada haka qaado

4- Car Cabdulahi Yusuf xilka haka qaado hogaamiye kooxeedyada Hawiye

5- Car Itoobiyaan dalka soo gelshee, Madaxtooyada habeen qura ha seexdo

6- Car Korneyl Yusuf ha isku dayo inuu xil ka qaadis ku sameeyo Geeddi

7- Car Cabdulahi xilkii ka qaadyee Geeddi baarlamaanka haka ansixiyo in Xukumadda dibadah laga soo magacaabi karo

Qormadaan aan ugu magacdarnay Todobadii Car ee Hawiye iyo Cabdulahi Yusuf waxay qeyb ka tahay taxanayaasha DHAB KA HADAL ee Diiradda Waagacusub waxaana qeybtaan ku eegeynaa hanjabaadihii diiwaanka galay ee Hawiye iyo haatan mida taagan!! “ Car Cabdulahi Yusuf nin ku jira jeebka Cali Mahdi ha soo magacaabo”!?



Hogaamiyaasha dagaalka iyo siyaasiyiinta beelaha Hawiye horbooda waxay dhaheen Car Daarood Madaxweyne haka noqda dalka Soomaaliya,inta badan beesha hawiyana way u jiibisay una riyaaqday laakiin Cabdulahi Yusuf ayaa si lama filaana ku soo baxay 11 sanadood oo ay Madaxweynenimada isu diideen, markaa kadib Cabdillahi wuxuuna taagtay far, isagoo ku dhawaaqaya anigaa Daarooda ,doonayana inaan noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.



Hawiye ayaa Riyo ku fasiray damacii Cabdulahi Yusuf ee Madaxweynenimada Soomaaliya,waxayna ku jeesjeeseen qof waliba waa inuu gashtaa kab le' eg ,iyagoo ku goodiyay Car Cabdulahi Yusufow Madaxweyne noqo!!?



Cabdulahi Yusuf Madaxweyne ayuu noqday laakiin markii uu noqday ayey hadana adeegsadeen kab ka weyn ninkii gashaday siduu ugu socon lahaa ayaa la iska rabaa ,Car dowladaada dalka ha timaado !!?

Cabdulahi Yusuf oo ka dabaaqtamaya Carta sedex jirsatay ee Beesha Hawiye,wuxuu dowladii geeyay Jowhar kadibna Baydhabo ,markaas ayey Beesha Hawiye afareysatoo waxay tiri,Car Amxaaro dalka keen!!?

Cabdulahi Amxaaro waa uu keenay dalka Maalin cad ,markaas ayey Cartii sii wateen oo waxay yiraahdeen ,Car xilka Wasiirnimada naga qaad ama ka qaad hogaamiye kooxeedyadeena hubka badan heysta!!?

Cabdulahi Bireega uma qabane xilkii waa uu ka xayuubiyay hogaamiyaasha dagaalka Hawiye dhamaantood.

Hawiye iyo hogaamiyaashii oo u muuqday Car kama daalayaal ayaa ku ceshtoo yiri,Car Shariifka baarlamaanka awoodiisa fara gasho ,Xildhibaanadii Hawiye ayaa isla guuxay,Jaaliyadahii Hawiye ayaa u sacab tumay,Shariifkii iyo Cumar Xaashi Xamar baa Ubax lagu soo dhaweeyay ,dabadeedna Cabdulahi ,Shariif Sakiin xilkii si dhib yar buu kaga siibay,isagoo adeegsanaya, kana Siib kana saar waxaa dhacday in Aaw Aadan Madoobe baarlamaankiibaa u sacab tumay,Saalim Caliyoow uu watay Geeddina wuxuu saadka la qaatay Shariif Sakiinkii daadka la raacshay.

Hawiye oo sita ushii Car, waxay mar kale ku goodiyeen Car Xabashi haku keento Caasimada oo Madaxtooyada habeen qura seexo!! -?

Cabdulahi habeen iyo habeeno badan ayuu hurday oo hurdaa Madaxtooyo.

Horboodayaasha Hawiye waxay hindiseen qorshe cusub oo Geeddi hogaan ay uga dhigteen,waxay hagar daameeyn bideen Batroolkii Puntland,waxayna dhaheen Car iyadoon hogaamiyaha sare ee Hawiye la soo marsiin heshiis dambe ha gasho Puntland!!-?

Cabdulahi Yusuf Car tii Hawiye hurda uma seegin ee wuxuu adeegsaday hadal yar iyo howl badan,wuxuuna hadaf adag ku qaatay inuu Geeddi ka huleelsiiyo xilka yiraa.

Hawiye markii ay maqleen in Cabdulahi Yusuf maagan yahay hilfo u qaadista Cali Geeddi ayey halkii ka miisaan intii ay kaga hartay,waxayna dhaheen CAR GEEDDI TAABO CABDULAHI YOOW!!-?

Geeddi ayaa ugu hormaray oo ugu baaqay hawiye inay halgankii ay ku rideen Siyaad Barre halkiisii ka miisaan oo Cabdulahi hantaatureeyaan isagoo adeegsaday hadalo qayaxan oo hore aan waligii looga maqal.

Hogaamiyaashii Hawiye iyo Heeraantii Baarlamaanka ugu jiray Hawiye ayaa Hotel Bakiin isugu tagay oo ka sheegay inay sameeysteen hal Xisbi siyaasadeed oo hadafkiisu yahay Ilaalinta iyo dhowrista Axdi Qarameedka= ( Xisbiga ilaalinta xilka Ra’isulwasaarre Geeddi ee Hawiye)

Hawiye ayaa u sacab tumay laakiin sedex maalmood oo quraansaar Geeddi u joogay Addis Ababa kadib wuxuu ka soo degay garoonka Baydhabo,wuxuu hore uga tagay Madaxweyne Yusuf,kadibna wuxuu isagoo hanuunsan ku dhawaaqay inuu dhib yari uga huleelay kursiga Car iyo calaamatu su-aalka u saarneed Hawiye?.!!

Hawiye Cartii kama harine waxay yiraahdeen Car Cabdulahi baarlamaanka fur oo hel 184 Mudane oo haa kuugu codeysto.!!-?

Maalmo kadib waxaa ugu horeeyay ee gacanta taagay metelayaashii Hawiye ,waxaa lagu wada codeeyay haa,Mudane Madaxweyne Xukumadda waa furan tahay gudaha dibadaba waa laga qaadan karaa.!!

Todobadii Car ee Hawiye kuma quusane wali waxay leeyihiin Car soo magacaaw Ra’isulwasaarre Cali Mahdi wato oo Malesiya jooga. Dabcan isagana wuxuu buuxin doonaa tirada faqadkaa ,waana hubaal in Kursiga Ra’isulwasaaraha loo wado Xasan Cali Jiisoow oo masraxa uu soo saarayo Cali Mahdi Maxamed sidii Maxamed dheere ku keenay Cali Maxamed Geeddi oo magaciisa uu Soomaali badan ku cusbaa.
Filasho:- Kitaabkii hogaamiyaasha Hawiye ee Mbagathi!!

waagacusub Media Desk:
Xigasho Hadwanaag News>

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 75 guests