Postby Somalian_Boqor » Thu Nov 22, 2007 3:23 am
For one he is your Country New Prime Minister. Here is alittle more about his background that allpuntland put together.
Pictures of the guy are on it's way as I am told. The Media is on the ground at the moment.
WAR DEG DEG: Madaxweyne Yuusuf oo Ra'iisul Wasaare u magacaabay Nuur Cadde
22. November 2007
APL
Tool
Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email
Baydhabo(AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusud Axmed ayaa ku dhawaaqay mas'uulka noqonaya Ra'iisul Wasaaraha cusub kaasoo ah Md. Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde".
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa Dikreeto uu xafladda ka aqriyay waxaa uu ku sheegay in Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" uu yahay Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka isagoo faray in mudo gaaban uu ku soo dhiso gole Wasaaradood mudo gaaban isla markaana ka samata bixiya shacabka Soomaaliyeed dhibaatada inta aysan dhamaan mudada dowladda u harsan tahay.
Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa u hambalyeeyay Md. Nuur Xasan Xuseen "Nuuu Cadde" wuxuuna u rajeeyay in uu howshiisa si daacad ah u guto.
Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo dhamaan xubnaha gacanta ku siiyay iyo kuwii la tartamayey, wuxuuna balan qaaday in xilka loo magacaabay uu sida uu qabo Dastuurka uu u gudan doono.
Waxaa uu sheegay in marka hore mudnaanta uu siin doono dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo gargaarka bini'aadanimo, isagoo ka codsaday hey'addaha caalamiga iyo dalalka shisheeye in ay gacan siiyaan shacabka Soomaaliyeed.
Cali Muxiyaddiin Cali
AllPuntland, Muqdisho